Daawo:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabduule kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide, oo maanta booqasho ku timid dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa soo dhawaynta kadib, waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre.

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa looga hadlay xoojinta xadhiidhka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Ine Marie Eriksen Søreide oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, ayaa ammaantay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay, isbedellada iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka waddo hay’adaha dowladda si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, barnaamijyada horumarinta iyi bini’aadninimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker