Wasiir Sacad: Wasiirka Laba Wasaaradood

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, u xilsaaray inuu ku sime ahaan masuul uga sii noqdo wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah, ka dib markii wasiirka qorshaynta Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya in Wasiir Sacad sii ahaan doono wasiirka qorshaynta mudada uu soo laabanayo wasiir Shibiin, haddana warar soo baxaya oo ay warbaahintu baahisay ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu dhawaan Wasiir Sacad u asteeyay inuu noqdo sii hayaha wasiirka wasaaradda qorshaynta, waxaanu maalmaha qaar fadhiisan doonaa wasaaradda qorshaynta, halka uu maalmaha kalena fadhiisan doono xafiiskiisa wasaaradda maaliyadda.

Wasaaradda qorshaynta ayaa waxay leedahay wasiir-xigeen, waxaanay dad badani isweydiiyeen sababta uu Madaxweyne Biixi wasaaradaas ugu sii dhiibay Wasiir Sacad iyadoo ay wasaaradu leedahay wasiir-xigeen ay shaqadiisuba tahay inuu maareeyo hawlaha wasaaradda marka loo baahdo sida xaaladan oo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker