Warqad Furan oo ku Socota Golaha Madasha ee Somaliland Ujeedo: Bushadda Rayidka (Civil society)

Qof kasta oo muwaadin ah waxaa ku waajib ah inuu ka qayb qaato horumarka dalka, mid dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho. Bulshadda Rayidka (Civil society) ahi waa hormoodka wadan ku toosiya kolba wixii ka khaldama. Waxaa meesha ka muuqda in Bulshada Rayidka (Civil society) aysan ka qaadan doorkii ay lahaayeen sidii ay toosin lahaayeen xukumadda wadanka ka Talisa iyo wixii kale ee wadanka ka khaladanba. Xaqiiqaddu waxay tahay in ay gabeen doorkooddii. Marka, aan ka reebo Golaha Madash Wadatshigga.
Golaha Madasha Wadatashiggu leeyahay waxa aad muujiseen: wadan jacayl, muwaadinnimo, lexjeclo aad wadanka ka qabtaan iyo xilkasnimo, waana aad ku amaaan tihiin mid hore iyo mid danbeba. Waxaan aaminsanahay in aad mudan tihiin Sharaf iyo karaamo.
Bulshadda Rayidka (Civil society) waxaa inta badan uu Banka Addunku (World Bank) ku qeexa ama ku sheegaa sida, hay’adaha aan dawligga ahayn (Non-government organization), Ururdda shaqaalaha (Labor Union), Ururadda xirfadlayaasha (Professional association), Ururdda diinta (Faith organization or faith- based organizations), iwm. Waxaa addunyaddu u aqoonsatahay Bulshadda Rayidka inuu yahay dhaqdhaqaaq aan dawligga ahayn (Non-state movement)
Ujeedda qoraalku waa laba qodob midka koowaad wuxuu yahay haddii aad tihiin Golaha Madasha Wadatshiggu in aad ku dhiirataan in Bulshadda Rayidka ah abaabushan oo horeseed u noqotan, oo aad wadtashi la samaysaan sida, ururdda xirfadlayaasha (Professional association) sida dhakhaatiirta, Maclimiinta Jamacadda iyo Dugsiyadda Sare, iwm. Waxaa kale loo baahan yahay in aad dhiirigelisaan in ay ka qabqaatan toosinta iyo sixitaanka saxaan hay’addaha dawligga ah (Public institutions), waxaan ka warqabnaa in Somaliland ay baahan tahay in wax-weyne laga bedelo, oo ay ugu horeyso qabsoomida doorashooyinku. Haddii aysan Bulshadda Rayidka (Civil society) culays saarin arrinta waxaa xaqiiq ah in aysan qabsoomayn doorashooyinkaasi.
Qodobka labaad waa dhaliilaha aad u soo jeediseen xukummada maanta wadanka ka talisa. Dhaliilaha aad soo qaadateen waa mid jira oo aan cidna dafiri karin ama inkri karin. Waxaase dhaliilaha u muuqdeen mid aydinaan ku midaysnayn ee qofkastaa oo idinka mid ahi si gaar aha u cabiraayey aragtiddiisa ama dhaliisha ku aadan xukmadda iyo golayaasha
Waxaa idin soo jeedin lahaa in aad qoraal ku soo saarataan dhaliilaha aad soo jeedisaan, idinka oo qodobeeyey. Ma aha inaad saxaaafadduun la hadashaan ee waa in dhaliisha aad qoraal ahaan u gaadhsiisan ama ka dalbataan fadhi.
Saxaafadduna waa in ay qoraal ahaan ku heshaa, isla markaan, aad si toos ah uga hadashaan. Mar labaad waxaan idinku amaanayaa xilka aad isa saarteen idinka oo aan wax dheef ah ku qabin, dhaliil iyo af-xume mooye, laakin inta wax-garadka ahi waa idin ogyihiin abaalka.
Allah Mahad leh
Osman Awad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker