Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qorshe ay xukuumada Farmaajo ku rabto inay faragelin ku sameyso doorashada Kismaayo.

 

Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qorshe ay xukuumada Farmaajo ku rabto inay faragelin ku sameyso doorashada Kismaayo.

Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in khilaafka ka taagana doorashada Kismaayo uu sarre u kacay, isagoona sheegay haddii aan xaqiiqada la garowsan uu sarre usii kici doono.

Garaad ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay si isku mid ah ula dhaqanto Maamul Goboleedyada marka ay doorashooyinku ka qabsoomayan, isagoona xusay in laga waantoobo inay dib u dhacdo wixii hore uga dhacay doorashadii Baydhabo.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo wuxuu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa:

 

 

 

“Doorashada Kismaayo khilaafkeedu kor ayuu kacay, wuuna sii kici doonaa, haddii aan xaqiiqada la garowsan.

Federaalku si siman ha ula dhaqmo doorashooyinka Dowlad Goboleedyada. Yuu damcin in uu mar kale noo dhigo oo ha ka ka waantoobo filim hore loo daawaday oo doorasho aawgeed dad Soomaaliyeed u diray safar aan laga soo noqoneyn. Qaar ka qaaday xorriyadda. Soomaali iyo saaxiibbadeedna ay isku si uga qeyliyeen.

Kismaayo ayada oo maanka ku haysa sida uu Dowlad Goboleedku ku dhismay iyo cabashada beelaha degaanka iyo murashixiinta qaar, waxa ugu yar ee laga aqbali karaa waa in inta wada joogta loo caddaalad falo oo doorasho lagu qanci karo ay dhacdo.

Kismaayo ma ahan in dhiig dambe ku daato.

Dadka xamaasadeysan ee xoog Soomaaliyeed iyo / ama mid shisheeye isku halleynaya waxaan xusuusinayaa in xoogga loogu baahi badan yahay oo yahay mid Gobolka lagu nabadeeyo oo ajnebi looga maarmo.

Waxaa kale oo dadka carcartooda qaba aan xusuusinayaa xikmadda murtidii caqliga ku dhisneyd ee uu ku luuqeeyey Kuluc.

“Alleylehe balaayooy, nin badbaado haystoo, kuu baahday adigoo, kuu baaqay waa nacas… Alleylehe belaayooy, baroor noqotay guushaa”.

Dhinaca kale, Waxa maanta qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doorto degaanada maamulka Jubbaland ay Kismaayo kaga dhawaaqeen in ay ka hortagayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dooneyso in ay u gasho maamulka Jubbaland sidii doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Senetorada kala ah Fartaag iyo Iftin Xasan Baasto ayaa sheegay inay la socdaan qorshe ay waddo dowladda dhexe oo xiisad Amni daro looga abuuraayo degaanada maamulka Jubbaland, islamarkaana ay qaadi doonaan doorkood si looga hortaggo Arintaasi, maadaama ay la socdaan dhibaataddii dowladda Soomaaliya ay ka geysatay Magaalada Baydhabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker