TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Xaaji Cismaan Cawad Maxamuud (Badha-badha) 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cismaan Cawad Maxamuud (Badha-badha) oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu tahay 26/05/2019, magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay halgankii xornimada ee wakhtigii gumeystihii ingiriiska, isagoo ka mid ahaa xisbigii SNL, markii danbena ku biiray xisbigii SDU, sannadihii sideetamaadkiina waxa uu ka mid noqday golaha deegaanka Burco, isagoo door aan la ilaawi karin kulahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa ganacsatadii bud-dhiga u ahaa dalka gaar ahaan  gobolka togdheer.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo culimada waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

           
 
 
 
                    Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker