Masuul ka Tirsan Qaramada Midoobay oo Boogaadiyay Madaxwaynaha Somaliland , balse maxaa u sabab ah?

Hargeysa (OWN) ― Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa bogaadiyey arrin uu Madaxweyne Muuse Biixi sameeyay oo ku aadan maamulka Puntland.

Raisedon Zenenga oo ah ku-xigeenka madaxa xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa wuxuu Madaxweyne Biixi ku bogaadiyey qodobo ku jirey khudbad uu ka jeediyey maalinkii xuska 18-May.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu khudbadaasi ku sheegay inay Somaliland sii deynayso maxaabiista ay dagaaladii kaga qabsatay Maamulka Puntland, isagoona ka dalbay Deni inuu isagna sii daayo maxaabiista ay ka hayaan maamulkooda.

Madaxweyne Biixi ayaa fuliyay dalabkaasi uu u jeediyey Puntland, isagoona 17-maxbuus oo kamida ah maxaabiista Puntland uu cafis Madaxweyne kusii daayey.

 

Danjire Raisedon Zenenga ayaa qudbad uu u jeedinayey golaha ammaanka Qaramada Midoobay toddobaadkan, ayaa wuxuu Madaxweyne Biixi ku bogaadiyey talaabada uu qaaday ee sii deynta maxaabiista iyo baaqa nabadeed ee uu u direy Puntland.

“Waxaan dhiirigeliyay qudbadii uu Madaxweyne Muuse Biixi jeediyay 18-May ee uu ku cadeeyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu Puntland kala shaqeeyo arrimaha nabad-gelyada oo ay ku jiraan is dhaafsiga maxaabiista iyo inay Soomaaliya iska kaashadaan arrimaha la xidhiidha ammaanka, ganacsiga iyo tacliinta” ayuu yiri Danjire Raisedon Zenenga.

Danjire Zenenga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya ee mudada labada Sanno dib u furmin ay saameyn ku yeesheen dib u eegista iyo dhammaystirka dastuurka ay dowladda Soomaaliya wado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker