Warqad Furan Oo Ka Socota Somaliland Kuna Socota Soomaaliya Iyo Farmaajo.

Hadii caalamku soomaalida u qaatay dad argagixiso ah oo qarax uun ka shaqeeya  Somaliland ayaa beenisay waana guul ay leedahay umada soomaaliyeed

Hadii caalamku soomaalida u qaatay dad wada budhcad badeed ah Somaliland ayaa beenisay oo higarilasay amaan buuxo waana guul ay wada leedahay umada soomaaliyeed

Hadii caalamku u qaatay soomaalida dad wax uun burburiya ee aan waxba dhisi karayn may maaha Somaliland aya beenisay oo qaran taabagalay dhidibada u taagtay

Hadii caalamku u qaatay soomaalida dad aan heshiin karayn oo is cunaya maya maaha somaliland ayaa beenisay oo hirgalisay nabad,xasilooni, iyo haykal dawladeed oo dhamaystiran.

Hadii caalamku u qaatay soomaalida dad sodon sano bilaa dawlad ahaa may maaha Somaliland ayaa beenisay oo suurto galisay qarran dimuqraadiya oo sideed iyo labaatan sanno jiray

Guul kasta oo Somaliland gaadho waa mid ay wada  leeyihiin umada somaliyeed ee aaway dadkii ku faani lahaa

Ma jirto cadaawad iyo cuqdad u dhaxaysa soomaaliland iyo soomaaliya.Balse walaalahayga soomaaliyeedow ka waran guushaada hadaad ku faani garan waydo oo aad u aragto guuldaro maxaa  idiin diiday intaad hadimaynaysaan inaad u hurtaan waxay Somaliland mudan tahay.

Sideed iyo labaatan sano ayaa laga joogaa intay Somaliland iyo soomaaliya kala maqnaayeen intaaba Somaliland horumar la taaban karo ayay samaysay waa alxamdu lilaah  waa guul aad nalala leedihiin oo aad ku faani kartaan idinkana dhibta idin haysta daah nagama saarna in hiil iyo hooba la nooga baahan yahay.ee maxaa hortaagan inaad I fahanto oo aad hagardaamada iga dayso.

Somaliland waa gobol ka tirsan soomaaliya miyay aayo ku helayaan umada soomaaliyeed  ee koonfurta ku nool  inaad xaqirto xornimadayda miyuu ku jiraa xalka soomaaliya?

Midnimada soomaaliya waa muqadas ayaad walaalayaal ku celcelisaan si ay Somaliland diidan tahay wax wada qabsiga umada soomaaliyeed

Xaasha midnimada somaliyeed habeeen qudha uma aydun gaajoon ee Somaliland miyaad ilowsan tahay in ay u sadqaysay dawladnimadeedii danta umada soomaaliyeed oo lixdankii ay  shuruud la,aan kugu raacay

Maantana dambi uma arko, ee degdeg inuu ku jirey midowgaa hore ayaan u arkaa. balse siyaabo badan oo kale oo aynu isku kaashanaa waa lagama maarmaan oo alle ayaa iskeen baday balse horta ii qir qarinimadayda. armay kheyrka soomaaliduba ku jirtaa adoo aniga ii qira madaxbanaanidaydaan shalay kuula imid. oo sidaan shalay taladaa u keenay mid kale oo ka wanaagsaan aan idiin keenaa.

Sidaad jabuuti ugu aqoon san tahay walaalkaa oo jira maxaad aniga ii xaqiraysaa? Hada 1977 jabuuti way diiday midnimadii soomaaliya oo heshiis ayay dib ula saxeexatay  gumaystihii aniga ma dareenkii walaalnimo ee lixdankii aan bilaa hadal kuula imid ayaa caqabad igu noqday? Diidmadii jabuuti ee 1977 wax dhib ah miyuu u yeeshay umada soomaaliyeed dheef mooyee? Sidaasoo kale dib ula noqoshada dawladnimadaydu marnaba waxyeelo kuuma aha waxtar mooyee

Waan dareen sanahay cadawga kugu hareeraysan  ee kuu wada haliilaya hiilkayguna waa bilaa shuruud hasayeeshee sidii lixdankii inaan u fikirno inagama soconayso ee waaqaca ku sale afkaarta siyaasiga ah looma baahna dagaalkii tooska ahaa ee 1977 inaan galno ee mid dublimaasiyadeed ayaynu galaynaa.eemaxaad u fahmi laadahay danta somaliya iyo somalilandba inay ku jirto inaad aqoonsato qarinimada Somaliland oo aad walaalnimadeena u muujin laadahay maalin qudha.

Gebogebada waxaan leeyahay madaxweynaha maanta dawlada faderaalka soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo  horta meeshan waad ka tagaysaa maalin ay noqotaba  balse magaca aad ka tagto ayuun baa ay ku xidhan tahay mustaqbalka noloshaada iyo ubadkaagaba .ama nin reer diini ah oo dibindaabyadii adeerkii baday umada soomaaliyeed mid kale ugu sii daray ayuun baad noqon ama halyeey soomaaliyeed  oo sida axmed gurey iyo ragii kale taariikhda galay loo ciseeyo.ee waad aragtaa oo kolay mushkilada soomaalidu waa taa labaatanka qaybood  u kala fadhida ee miyaad ku dhiiran inaad ka garawdo gobonimada Somaliland oo maanta adaa qalinka hayee miyaad ku duugi waxaad noqon geesi shanta soomaaliyeed magac ka dhaxlee mise ila meeraysadaa ayaad ku magac iyo anfac beeli. Hada madaxbanaanida Somaliland faa,ido mooyee khasaaro u yeelan mayso soomaalida kale  himiladii shanta somaliyeedna waxba u dhimi mayso oo halkii marka hore laba degdega iskaga biireeen uun baa imika shantii ay keeni fikir iskaashi oo la jaanqaadaya noloshan casriga ah.

 

Qalinkii:C/kariim M.Cadde(Qaamuus)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker