Safarkii Kulmiye iyo Ucid Xog ku saabsan.

Dhawan ayey ahayd markii ay Labada Xisbi Qaran kulmiye iyo Ucid oo Madaxdii ugu sarsareysey labadaas xisbi u kici timeen dhankaas iyo cariga kenya.

Intaaney dalkalka ka dhoofin Madaxda labada xisbi iyaga oo wada jira waxay inoo shegeen ” In ay Niarobi u tagayaan sidey beesha caalamka uga soo shubi lahaayeen wixii Gudomiyaha wadddani ku soo shubey ”

Mudo dhawr cisho ah b oo ay Niarobi ku sugnaayeen waxa ay naawilayeen in ay la kulmaan safiirada beelaha caalamka ee Somaliland ka tageera arimaha doorashooyinka , la kulanka madaxda caalamku umey suurto galin , marka laga reebo sadex kulan oo mid qarsoodi ahaa oo ay inala wadaageen sida qaar ka mid ah warbahinta dalka kenya ay qoreen,

 

Kulamo meeqaamkodu hooseeyo.
——————————————–

1- Kulan qarsoodi ah oo aaney Madaxda labada xisbi ugu talo galin in ay la wadagan Saxafada ayaa u faafey si ka dis ah ka dib markii qof Hotelka ay ku sugnayen waftigan ee shirku ka dhacayey si qarsoodi ah looga qaadey Sawir ka dibna baraha bulshada reer Somaliland qabsadey .

Reer Somalilnad Madax iyo shicib waxa af kala qaad ku noqdey la kulanka qaar ka tirsan Masuuliyiinta Somalia walaw aney xilan hayn hadanase ah Musharixiin u tartamaya xilka ugu sareeya Somaliya oo ah Madaxweyne-nimo.

Fuley xantii Ma moogane’e Markii masuuliyiintu ogadeen in qorshohoodii fashilmey, waxa ay usuxul duubteen sidii ay bulshada ula wadagi lahaayen kulankaas walaw culeys kaga yimid Shacbi weynaha somaliland, arintaasna waxa ay kaliftey in ay isla subixiiba cadeeyan kulanka ay la yeesheen
C/raxmaan C/shakuur .

2- Kulanka Labad waxa ay la yesheen Raila Odinga sida sawirka hoose idinka muuqda
Odinga ayaa ah nin Mucaarid ah oo an iminka qacmaha waxbadan ugu jirin , dadka siyasada falan qeeya waxa ay shegayan in kulankaas ahaa ay Madaxda Somaliland god segeen madama ay ahayd in ay la klmaan madaxda ugu sar sareeya Dawlada kiiniya iyaga oo ka fa’ideysanaya xiisada diblumasiyadeed cakiran ee dhextaal somaliya iyo kinya.

3- Sidoo kale Waxa ay la kulan kooban la yeesheen Aden Bare Duale oo ah Hogamiyaha aqlabiyada Barlamanka kenya kana tirsan Jubilee Party, kuladarsadey nkan ayaa aha mid kooban oo laysku wey xalada Somaliya ka jirta iyo Somaliland sidoo kalena ay dirada Sareen Muranka Somaliya iyo kenya u dhexeeya, Sidoo kale Waftiga kulmiye iyo Ucid ayaa Aden Bare Duale uga mahad celiyey sidii quruxda badneyd ee ay ugu soo direen xildhibano kenyan ah dalka somaliya oo ay waliba kala qayb galaan xuska 28 may.

 

Gunaanad.
———————–
isku soo xooriyoo waftgan markii uu ku soo guryo noqdey waxa ay bulshada la wadageen wax ka gadisan safarkooda iyaga oo dadka siiyey warbixino khalad ah oo ay ka mid tahay in beeshii caalamka iyo dawladaha somaliland dorashada ka tageraan ay amar ku siiyen “in kumishinka dorashooyinka qaranku shaqadiisa sii wato” ,

Bulsho weynta kala gadisan ee Somalilnad ku nool waxa ay isla dhex marayeen xaalada dalku siyaasiyan siduu ahaan laha hadii xubin ka mid ah xisbiga waddani uu la kulmi lahaa Masuuliyiin ka tirsan Somaliya?

Hore umay dhicin oo warbahintu may sheegin Kulan dhex marey Waddani iyo Masuuliyiin Somaliya ka tirsan Muxafid iyo mucarid ku dono ha ahadee, balse waxa xusid mudan in Xisbiga u cid iyo Xisbiga kulmiye la kulmeen in ka badan laba jeer Masuuliyiinta Somaliya.

Shacbi weynaha reer Somalilnad ayaa ah gaar gar waaqsaday dacayadaha kulmiye ka faafiyey waddani in ay gabi ahaantoodba yihiin qaar waxba kama jiran ah.

Sida faysal xusey safarkan waxa uu ku soo ururey dalxiis , tamashle, shaah iyo laydhsi tag iyo jawiga oo la soo badalo .

Qalinkii :- Ducaysane Hies cabdi

 

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker