Eng Faysal Cali Waraabe oo Faahfaahiyey Sababta Hargeysa loogu soo Casuumayo Siyaasiyiinta Soomaaliya

Hargeysa (OWN)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa dhawaan magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wada-jir ee dalkaasi Soomaaliya, Cabdishakuur Cabdiraxmaan, waxanaanu difaacay sababta kulankaas dhexmaray siyaasiyiinta Soomaaliya oo inta badan lagu dhaliilo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

 

Eng Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport maanta oo lagu soo dhaweeyey isaga iyo weftiga kale oo ka soo guryo-noqday socdaalkooda Kenya, waxa uu ku dooday inay tahay siyaasad wax-ool-ah kulamada iyo wada-hadallo lala yeesho siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

 

Haddaba, Muuqaalkan Hoose kaga bogo hadalka uu Eng Faysal Arrintaas kale iyo qodobbo kale oo xiiso badan oo guddoomiyuhu ka hadlay

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker