Dowlada Soomaaliya Oo Safiir U Magacowday Wasiir ku-xigeenkii Hore Ee Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbil

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta Safiirnimo u dallacsiisay shan xubnood oo uu ku jiro Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbil.

 

 

Xasan Daahir Dhimbil  ayaa soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, taasoo keentay in ugu dambeyn loo dalacsiiyo safiirnimo.

Xasan Daahir Dhimbil waxaa uu ka mid ahaan jiray Mas’uuliyiinta Madaxtooyadda Somaliland ka hor inta uusan noqon Wasiir ku-xigeenka caafimadka, waxaana uu sidoo kale masuul ka soo noqday xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya isagoo ka mid ahaa Saddex Wasiir ku xigeen oo bilihii lasoo dhaafay kasoo degay garoonka Muqdisho ka dib markii ay ka soo goosteen Somaliland, iyagoo ka soo wareegay magaalada Nairobi.

 

Dhinaca kale, Xasan Xundubey Jimcaale oo ahaa Wariye iyo falan-qeeye ka soo shaqeeyay lamaaha afka carabiga iyo Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka mid ah xubnaha safiirada loo magacaabay.

 

Lama shaacin xubnahan iyo kuwo kale ee la magacaabay safaaradaha loo kala dirayo, balse Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dhowaan ku ansixiyo Wareegto.

 

Xasan Daahir Dhimbil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker