Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Si Qarsoodi Ah Kula Kulmay Siyaasi Soomaaliyeed C/raxmaan Cabdi Shakuur

Wararka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir sidoo kalena ka mid ah mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa Magalada Nairobi waxaa uu kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

 

Xubnaha  uu Siyaasiga la kulmay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee UCID Eng Feysal Cali Waraabe.

 

Sidoo kale masuuliyiinta ka socda Somaliland ayaa waxaa la sheegay in ay kulamo qarsoodi ah ay magaalada Nairobi kula yeesheen Madaxda ugu sareysa ee Dalka Kenya, iyagoona Arimo badan kala hadlay, inkastoo ilaa iyo hada aan la helin waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay.

 

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii maalmii dambe uu khilaaf u dhexeeyo dowladaha soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo aan weli xal laga gaadhin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker