Dalka dadkii lexo-jeclada ka lahaa miyay ka niyad jabeen, sowtii la isu soo wada yaaci jiray kolkay halkan oo kale soo gaadho!!!!

Maxay ku danbbayn!
Dalka dadkii lexo-jeclada ka lahaa miyay ka niyad jabeen, sowtii la isu soo wada yaaci jiray kolkay halkan oo kale soo gaadho!!!!
Tan maanta jirta xaalado ka culusi idiin soo maroo laga soo gudubye, xaggey salaaddu ka xidhmi la’dahay?
bal waayaha yar muraajacee oo dib u mililicso naftaadana muran yar geli!
Ma doorashiyo xanafteed baa xanuunkeedu kow idiin yahay ood la wada xumadaysantihiin?
Ma xil la waayaa qaran loo xoori?
Miyayduun xajiimoon haddii la kala xoog roonaaday amma la kala xeelad badsaday?
Mise tolow xila-janno waa ayduun ka xiiso dhacdeen oo xuural cayn kalaa loo wada xaglinayaa?
Mindhaa heedhe xuubkii isu kiin hayay ee sida xadhkaha maraakiibta hadba dhinac loola xoomayay baa galabkan xammilkiisii idiin caddeeyayoo xaqiiqda idiin ku dhirbaaxay?
Ma xaqiibaa? Ma xaq-darraa?
Ma xilligii baa soo dhow xaajadu ay sii libdhi jirtay ee laga soo wada xidhi jiray xagga sare albaabada?
Rabbi baa hore inooga warramay,
Riiraashna ma seeginoo wuxu inna leeyahay:
”Sahankii badh baa yimid
Sidaad sheegtay nagu diid
Wuu saluugay qaybaha
Qalinkiyo saxeexii
Wuxu yidhi sabaan hore
Dadku wuu sinnaan jiray
Wax saboola ma lahayn
Saranseerna muu jirin
Waxa saad la keenana
Ninna saayid inuu helo
Uma sacabbo tumaynin
Surmigiyo abaaraha
Innagaa samaynee
Xagga sare kamay iman”
Maansadii Sar-gooyo ee ”Silsiladdii Siinleey”
Maxamed Cabdilaahi ”Riiraash”
Waar malaha intaaba ma ahee,
Armay iska xaal adduun tahayoo sebankani  wataa xasaradda?
Bal xuduudihiinna eega!
Xaggan ?? Ethiopia, iyo Yamantan Xuutiga loo dhiibay ma haysaan xogtooda?
Ma isku xaddaarad baa ahaydeen awel?
Mise iyagaa idiinka xiddido dheeraa?
Caawa se iyana ma xujaysanyihiin?
Suuriya iyo ma ku geeyaa xeebtaa Liibiya?
Xaruntii diinteenna macaaniyo
bal Makka iyo Mediina maxaa caawa lagu xusayaa? ama laga xusayaa?
Xisaabtu dheeraa! Dhankee jiraa xalkeedu?
Yaa xarriif ahoo garan?
Mooji!
Bilsoon barakaysan!
Harun Odowa

Med vänliga hälsningar
Harun M Odowa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker