Waa maxay Labada Arimood ee ay Kenya ka cadhootay ee soo dadajisay go’aanka ay Visa-ha ugu diiday xubnaha DF Somalia

Nairobi (OWN) – Dowladda Kenya ayaa qaaday talaabooyin ay cadaadis ku saareyso Soomaaliya kadib markii ay diiday in Baasaboorka Diblomaasiga ah ee siyaasiinta Soomaaliyeed ugu dhufato dal ku galka Kenya markii ay ka dagaan Garoonka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Saacadihii la soo dhaafay waxay soo celisay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Senatorro, Wasiiro iyo xubno kale oo la taliyaal ah, halka qaarkoodna ay ku badbaadeen Baasabooro kale oo ay heesteen.

Arintaan xiisadda siyaasadeed ee labada Dowladood waligeed waa taagneed balse lama filayn in waqti dhow ay xaaladda sidaan noqon karto. Dad badan ayaa ilaa hadda fahamsaneen waxa soo cusbooneysiiyay Xiisadda labada dal.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Kenya ay ka xumaatay go’aankii ay Baarlamaanka Soomaaliya ku meel mariyeen Sharciga Batroolka 20-kii bishaan, kaas oo ay hore Kenya uga digtay isaga iyo Shirkii London ee Shidaalka Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa aad uga carootay dalab ay Dowladda Soomaaliya u dirtay howlgalka AMISOM oo ah “In Ciidamada Kenya laga wareejiyo magaalada Kismaayo laguna wareejiyo Ciidamada Itoobiya”. Kenya ayaa u aragtay dhabar jab kale oo soo gaaray Ciidankeeda iyo danihii ay ku qabtay Kismaayo.

Prof. Cabdifitaax Nuur Raage oo bartay Xiriirka Caalamiga islamarkaana wax ka dhiga dhowr Jaamacad oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in Kenya aad ka gadooday laba qodob oo kala ah:-

  1. Ansixinta sharciga Batroolka ee Baarlamaanka Soomaaliya
  2. Iyo dalab ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Taliska AMISOM oo Ciidamada Kenya looga badalayo Kismaayo kuwaas oo sababay in Dowladda Kenya ay qaado talaabooyin ay ku cadaadineyso Soomaaliya.

Prof. Cabdifitaax Nuur Raage ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u banaan-tahay laba talaabo oo kala ah:-

  1. In ay qaado talaabada Kenya oo kale iyadoo ka aarsaneysa Dowladda iyo
  2. In ay dacwad u gudbiso ururada ay kuwada jiraan ee Africa ka jira sida IGAD, AU iyo kuwa kale balse waxa uu ku taliyay in ay Dowladda ku xisaabtanta in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku nool yihiin Kenya hanti badanna ay ka taalo.

Dowladda Kenya oo Soomaaliya kala dhaxeeyo muran dhinaca Badda ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay fulisay talaabooyin aan ku wanaagsaneen xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal balse Dowladda Soomaaliya ayaa wali wado dadaalo ay ku soo celineyso xiriirka labada dal oo si gaabis ah ku socdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker