Warsaxaafadeed Somaliland Societies in Europe Xuska Sanadguurda 28aad ee 18 May

Hamblayo Sanadguurada

Dalladda guud ee xidhiidhisa jaalliyadaha qurbo joogga Somaliland ee Yurub, (Somaliland Society in Europe) SSE, waxay ku hambalyeyneysaa ummada Somaliland dhamaanteed meel ay joogtaba xuska 18 May ee sanadguurada 28aad ee ka soo wareegtey dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland. Waa waajib in meel kasta aynu joogno, laga xuso sandguurada 18ka May iyo tan 26 June oo ah maalmaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Hambalyo hambalyo waxaananu ILLAAHEY ka baryeynaa in uu sanadkaa sanadkiisa nagu gaadhsiiyo bashbash, barwaaqo iyo nabadgelyo isla iyo markaana aynu aduunka ka helo ictiraaf buuxa. Waxaa kale oo dallada SSE kula dardaarmeysa ummada Somaliland isku duubni iyo wadajir.

Guubaabin
Dallada SSE waxay si dhaw ula socotaa dabeylaha siyaasadeed ee xawliga ku socda ee ka dhacaya guud ahaan aduunka gaar ahaana geeska afrika sida daraadeed dalada jaaliyadaha yurub waxay ku baraarujineysaa umada Somaliland shacab iyo dawladba in laga feejignaado dhib kasta oo inaga soo gaari karta isbedellada degdega ah ee aduunka ka dhacaya oo u baahan in lagu wajaho wadajir iyo midnimo. Sidoo kale dalIadu waxay guud ahaan iyo gaar ahaanba talo ugu usoo jeedineysaa hay’adaha fulinta ee dawlada, ganacsatada iyo dhamaanba shacabka Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka wadanka gudihiisa sida beeraha, kaluumeysiga, xoolodhaqista iyo soo saarida macdanaha kala duwan ee Eebo ku maneysaytey Jamhuuriyada Somaliland si looga tabaabusheysto dhibaatooyin weyn oo inaga hor iman kara.

 

Laba dal oo xor ah (Two States)
Waxaa cad in xukuumada Somaliya ee isticmaalayaa ictirifaafa aduunku kula degdegay aaney diyaar u aheyn wadahadalo midho dhal ah oo ay ku garowsato in Somaliland madaxbanaanideeda 28ka sanadood jiratay ee ku timi halgan naf iyo maalba leh aanay ka noqoneyn ,sidoo kale aaney somaliya ka muuqan aragti ay ku fahamto faa’iidooyinka laba dal oo Soomaaliyeed oo jaar ah oo iskaashada. Sidaa daraadeed waxa haboon in somaliland la garnaqsato beesha caalamka si cad ugu sheegto sharciyada iyo awooda dawladeed ee qadiyada qaranka Somaliland cod dheerna loogu sheego in aaney somaliland iyo somaliya mar danbe ku heshiin karin dawlad ay wadaagaan sidoo kale danta caalamka, danta mandaqada iyo danta Somaliland iyo Somaliyaba ay ku jirto aqbalidda laba dawlladood (two states solution) oo ah labadii dal ee xorta ahaa ee isku biirey July 1960 midow aan sharci aheyn. Haddii kale, wadahadaladdu waxay uun ahaanayaan maahmaahdii aheyd ‘ijiid aan ku jiidee waa uun gacmo daalis’.

 

Gebagebo
Marka la reebo sannadihii Xukuumada Soomaaliya ee kalitaliskii ay dagaalka ku qaaday gobollada Somaliland, waxay Jamhuuriyada Somaliland mar kale xor ahayd muddo la dhiganta amaba ka dheer muddadii dawladii Jamhuuriyadda Somaliyeed iyo muddadii kali taliskii(1960 illaa 1988). Sanadguurad kasta ee ay Somaliland xor tahay, ictraaf la’aan iyo in kaleba waa qaran jiraa oo xiddidadiisu sii dheeraanayaan. Sidaas ayeynu sanadguur kasta ee 18ka May ee dib ula soo noqashada qaranimmada iyo 26 June ee ah helistii madaxbannanida u xusidoona. Allow gargaar ummadan Somaliland ee soo jirtay sadexda qarni.

 

Gudiga fulinta
Dallada Jaaliyadaha Yurub (SSE)
Somaliland Societies in Europe
Telifoon 004525539315

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker