MA FAYSAL BAA MAANTA GAANNI BAA CID DILEY LEH! ILLEYN AF AADAN LAHAYN MA QABATID!

Faysal Cali Waraabe waxaan qabaa waa dhibbane, waxaana haysta cudurro maskaxeed. Waxase nasiib darro ah afkiisuu eedayaa, waxaan maqli jirey “riyuhu iyagaa lugahooda xananka ku raadsada”.

Faysal dhibka isaga haysta ee taariikheed si uu isugu dayo inuu iska maydho waa inuu marba qof dagan balagta iskaga jaro. Waa maxay haddaba dhibka taariikheed ee Faysal haystaa? Faysal dhalasho ahaan waa reer harggeysa, muddadii Kacaanku jirey Faysal wuxuu si gurracan oo ka baxsan shaqadiisii Ingineernimada ula shaqayn jirey hay’adihii kacaanka ee sirdoonka iyo amniga qaranka.

Faysal waxa lagu xusuustaa sidii dhoweyd ee uu Janan Gaani gacanayaraha dhegaha nugul ugu ahaa. Faysal waxa jeelka Xamar isagoo ku xidhan ka soo daayey Gen Gaanni 1981. Wixii maalintaa ka danbeeyey Faysal wuxuu noqday ninka usoo xuuraama dhaqdhaqaaqa ka socda Hargeysa (ama Waqooyigaba). Hawgalkiisii ugu horreeyey wuxuu ahaa inuu shiriyo dhallinyaradii UFFO oo waqtigaa hawlo samafal iyo wacyigelin ka wadey Hargeysa. Faysal isagoo shirqoolaya dhallinyaradaa wuxuu ku shiriyey guriga nin la odhan jirey Axmed Xuseen Caabbi. Intaa dabadeed wuxuu Faysal is baray Gaanni iyo laba nin oo mid boolis ahaa oo la odhan jirey Aadan Waalli iyo Cabdi Laangadhe. Gaanina wuxuu nimankaas ku xidhay madaxii hangashta Daahir Ciid iyo Maxammed Samatar oo isna Hangashta ahaa. Shabakadan Faysal soo abaabulay waa shabakaddii xogtii dhallinyarada iyo wargeyskii UFFO ee ay qoreenba Gaanni u keentay dabadeedna dhammaan dhallinyaradii UFFO sidaa lagu soo wada qabtay xabsigana loogu gurey looguna xukumay badi dil iyo xabsi daa’in.

Intaa waxaa u dheerayd in Faysal iyo shabakaddiisu ay ganacsatadii Hargeysa xogtooda u geyn jireen Gaanni qaar badan oo ka mid ahna dil lagu xukumay, waxna Mandheera loogu xidhay waxna waddanka bannaanka uga baxsadeen. Dhuubanahan uu Faysal maanta sheegayo waxa laga yaabaa inuu Faysal laftiisu basaasay, Maxammed xasan dalabkan imminka dhulkiisa Muuse Biixi ku habsaday waa raggii ganacsatada ahaa ee la xidhay waxa dhici karta inuu raggii shabakaddaa Faysal sababsaday ka mid ahaa.

Haddaba dhibka Faysal haystaa waxa weeye, taariikhdiisaa madoow ayaa xanuun ku noqotay oo maskaxdiisa wax weyn udhintay. Waa nin marwalba ku jira khilaaf-nafeed (self-conflict). Faysal si uu dhibkaas isaga daweeyo mar walba waa inuu is daad-raaciyaa oo dadka isu tusaa inuu yahay nin dalkan iyo dadkan lexojeclo ka hayso oo ka damqanaya oo “daljir ah”. Waa inuu isku dhereriyaa ragga lagu dhaato iyo taariikhdooda. Waa inuu helaa cid kale oo uu hoos iska mariyo kana sheegto Somaliland! Cilmi nafsigu dhibkan oo kale markay tilmaamayaan waxay soo qaataan aragtida la yidhaahdo “social comparison theory”.

Aragtidani waxay daarran tahay in ruuxu isku dhereriyo ruux kale ama koox kale oo uu u arko inay wax dheer tahay. Waa sababta aad u maqashid Faysal oo marwalba leh “qarankan dhiig baa u daatay, hanti badan baa loo lumiyey, dadbaa xabsiyo u galay”! Waxaad had iyo goor maqashaa Faysal waa ninka ugu badan ee ka hadla “faqashtii baa waxaa samaysay, Afweynaa waxaa sameeyey, iyo Daarood baa soo noqonaya, majeerteeniyaa…….iwm”. Waxa hadalladan ka yeedhinaya Faysal waa nuqsaan isaga haysa oo uu is leeyahay buuxi dadkana isku dhex dar.

“People sometimes compare themselves to others as a way of fostering self-improvement, self-motivation, and a positive self-image. …………….people who regularly compare themselves to others often experience negative feelings of deep dissatisfaction, guilt, and remorse, and engage in destructive behaviors, like lying and disordered eating. (social comparison theory)

Nasiib darrose waxay ahayd markuu maanta Gaanni baa cid wax yeelay ku soo hal qabsaday. Gaanni’aa, ma Gaanni iyo hargeysaa is arki lahaa? Ma Gaanni baa habeenba guriguu doono qofkuu doono kala soo bixi lahaa? Gaanni waa kee miyaannu ahayn kii Faysal u ahaa “dhuunta afka iyo moqorka u dhexeysa”.

Waa kan Faysale bal hoos ka dhegeysta.

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker