Laba Nin Oo Kenya U Dhashay Oo Maanta ku Islaamay Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta Masjid ku yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan aagga Laami Yaraha ku islaamay Laba nin oo u dhashay wadanka Kenya.

Labadan nin Kenyanka ah oo fahmay Nasteexada ay leedahay Diinta Islaamka, ayaa go’aansaday inay qaataan Diinta Islaamka.

Raggan ayaa Ashahaatinka loogu qabtay Masjidka Cumar Bin Khadaab gudihiisa.

 

Dadkii Masaajidka u joogay Salaada Khudbada ayaa hal mar wada farxay oo Takbiirta ku dhawaaqay.

Imaamka Masjidka ayaa sheegay Diinta Islaamka inay tahay mid Nasteexo, ragga maanta ku soo biirayna aad loogu soo dhaweynayo.

 

Arrintan ayaa waxaa aad looga hadal hayaa goobaha ay isugu yimaadaan bulshada, maadaama ay tahay wax aad loogu farxo.

Masjid ku yaalla Degmada Hodan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker