Dawladaha Yurub oo Gaashaanka ku dhuftay Rabitaanka Maraykanka ee uu ku Doonaayo inuu Tallaabo Milatari ka qaado Dalka Iiraan
Yurub Oo Dhagaha KaFuraysatay ManeenadaMaraykana Kana SooHorjeesatay Dagaal laguQaado Iiraan
Hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Maraykanka inuu ka shaqeeyo Xasiloonida bariga dhexe, xili uu Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Mike Pompeo uu safar kadis ah ku yimid magaalada Brussels.
Maraykanka iyo EU-da ayaa siweyn ugu kala fogaaday siyaasada ku aadan dalka Iran,waxayna MidowgaYurub sheegeen inay weli taageersanyihiin heshiiskii caalamiga ahaa ee dalka Iran wax ka saxiixay
sanadkii 2015, kaasi oo lagu
xakameeyey barnaamijkii
Nukliyeerka ee Tehran, walow uu
Donald Trump Madaxweynaha
Maraykanka sheegay inuu ka
baxay heshiiskaasi.
Xulafada Maraykanka oo ay ku
jiraan Israel, Sacuudiga iyo
Imaaraatiga ayaa olole weyn ugu
jiray in la burburiyo heshiiskii 2015
iyo waliba in duulaan militari lagu
qaado dalka Iran oo ay ku
eedeeyeen inuu khatar ku yahay
amnigooda.
Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa
maalmihii lasoo dhaafay bilaabay
inay faafiyaan wararka sheegaya
in qaar kamid ah Maraakiibtooda
shidaalka weeraro lagu qaaday,
xili Maraykanka uu sheegay inuu
la socdo qorshaha Iiraan ay ku dooneyso
inay ku weerarto dalalka jaarka la
ah ee Khaliijka iyo saldhigyada uu