Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi oo weerar ku qaadday Prof. Samater

Hargeysa (OWN) ―Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay maalmihii u dambeysay saluug ka muujinaysay hab-dhaqanada siyaasadeed ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Prof Samatar ayaa mudooyinkii udambeeyay kulamo kala duwan ku qabtay Gobolada Somaliland isaga oo uu ku wehlinayay kulamadasi Dr. Cali Khaliif Galeyr, kuwaasi oo dadweynaha kula qaadanayey doodo kala duwan.

Haddaba, Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Xinif oo Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa dhaliilo usoo jeediyay Prof Samatar, kaasi oo sheegay inuu Profserku ku biyo shubtay hal beel.

Xinif oo ka hadlaya arrinkaasi ayaa wuxuu yiri “Haddii Aqoonyahanka hadalkiisa ugu dambeeyaa sida imika jirta uu noqdo ‘Haddaynu reer Hebel nahay waala inna dulmiyey oo xaq baa innaga maqan’, kaasi aqoon ma soo kordhin ee odayaasheenu intay yaqaaneen ayuun buu imika gaaray”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markuu Kulmiye ahaa iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood, markuu Kulmiye noogu yimid ee uu shaqaynayey iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood oo aan shaqo isku lahayn, waqtigaana qaranimo iyo aqoon buu ka hadlayey, imikana aqoontiisii xaafad bay ku ururtay”

Prof Samatar ayaa xiligii uu socday ololihii doorashadii Somaliland ka qabsoontay 2017-kii ku biiray xisbiga talada haya ee Kulmiye, isagoona door weyn ka qaatay ololahaasi, ayaa hadda’se wuxuu u muuqda iney waxbadan iska badaleen wixii uu ka aaminsanaa Madaxweyne Muuse Biixi.

Samatar ayaa dhowr mar goobo fagaare ah ka jeediyay qudbado uu ku dhaliilayo Xukuumada Biixi, isagoona weli ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye

Dhinaca kale, Prof Samatar iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Ciro, ayaa waxay galinkii dambe ee Jimcihii todobaadkii hore si wada-jir uga ambabaxeen dalka Kenya, taasi oo xukuumada Biixi ku abuurtay shiki-ba’an.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker