Shaqaale samafal oo lagu afduubay Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya

 

Maleeshiyo loo malaynayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa maanta 10-kii barqanimo laba qof oo ahaa shaqaale samafalayaal ah ka afduubtay gobolka Gedo.

Labada qof oo ka kala shaqeynayay hay’adaha Trocaire iyo World vision, ayaa laga afduubtay degmada Geedweyne oo qiyaastii 30 km dhanka qorax kasoo bax kaga began degmada Dooloow.

Labada qof ee la afduubay ayaa ahaa shaqaale Soomaali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Suubow Cabdulle iyo C/laahi Rashiid (Eng. GBS).

Maleeshiyaadka afduubka geystay ayaa la sheegay in labada qof ay ula dhaqaaqeen dhanka dhulka miyiga ah ee ay badi joogaan Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Mas’uulyiin ka tirsan laamaha amaanka ee Gobbola Gedo oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso ayaa VOA-da u sheegay in labadaan qof la afduubtay xili ay ku guda jireen shaqo ay u tageen deegaanka Geedweyne ee Gobboka Gedo.

Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ka hor inta aan la afduubanin labadan qof ay ka yimaadeen dhanka degmada Luuq ee isla gobbolka Gedo.

Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan falal afduub ah oo kan lamid ah u gaysta shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale jiraan falal afduub ah oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka gaystaan gudaha dalka Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker