Munaasibad lagu Xusaayey 18-ka May oo ka Dhacday Toronto

Munaasibad balaadhan, oo lagu xusaayey Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May, ayaa ka dhacday Magaalada Toronto ee dalka Canada.
Munaasibada lagu weynaynaayey 18-ka May, ayaa kulmisay boqolaal Kamid ah Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaa, kuwasoo aan u kala hadhin mucaarid iyo muxaafidtoona. Waxana goob joog ahaa Sadexda Xisbi qaran.
Xuska 18-ka May ee ka dhacay Toronto, ayaa waxa kasoo qaybgalay labada Fanaan ee geyiga Somalida caanka Cabdicasiis Iskalaji Iyo Nuur Daalacay, kuwasoo halkaa ka qaaday Heeso Qiiro geliyey bulshadii kasoo qaybgashay munaasibadaas, isla markaana nuxurka Heesahoodu waxa uu ahaa mid ka waramaya weynaynta xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May.
Xuskaa waxa sidoo kale kasoo qaybgalay, isla markaana doorweyn ku lahaa odayaasha Guurtida Toronto ee Somaliland, kuwasoo ay kamid yihiin Muj.Axmed Jabane Iyo oday Ducaale Maxamed Xirsi iyo dhaqsiyaad kale qiimo badan oo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker