Haweenkiyo kijada bisha ramadaan ,,by abdirashid osman

waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta mudan oo aan leeyahay ramadaan kariim illaahayna hayna waafajiyo ajarkeeda iyo khayrkeeda faraha badan.
bisha barakaysanee soontu waa bil cibaado cuntadoo keliyana uun lagama soomee waxaa laga soomaa wax allaale iyo wixii kalee qowl ama ficila ee wax u dhimaya xukunkeeda, waxaase had iyo jeer aad moodaa inaytahay bil cunto karistu fara badato oo aad moodayso in hamiga keliya ee dadkuba kusoo ururo sidii cuntooyin kala duwan loo samaynlaa waxaanad ka arakaysaa sida guryaha iyo suuqyada dadku ugu mashquulsanyahay.
waxaanse isoo jiitay haweenka oo aad moodo in culays siyaadi bishaa soo food saaro kaasoo ah cunta karin farabadan iyo howl aan dhamaadlahayn oo aanay kijadaba ka faaruqin, maray karinayaan oo dabka dulfadhiyaan iyo maray weelkii laga cunay nadiifintiisa ku howlanyiinba ,arinkaasi dabcan waa mid ugaara haween madaama oo aynunahay mujtamac ninka ay ceeb kutahay inuu kijada iskadaa inuu howl kaqabtee gelistiis marar badan ceeb looga dhigo,dhaqanka noocaasi maaha mid inoogaarase waa mid caalamil islaamigu kawada simanyahay badidoo carabtu weliba howsii badnaatee .
waxaa kaloo caqliga saliimkii diidayaa in haweenaydaa howshaasi haysato bishaa inay yaduba soomantahay oo haraadkii iyo gaajadiiba u dheeryiin bal qaar badan dhibkale iyo howlkale u wehelisaa ,haweenaydaasi mar waa hooyo oo tarbiyadii caruurta iyo howshii kalee guriguba waa sugaysaa ,marwaa gabadh oo waxbarasho ama shaqaa sugaysa sidaasow yihiin waakuwaa hadana sooman ee kijadiina ku jira ,marar badan salaaduhu way ku dhaafaan bal waxaa dhacda inaanay afurada haleelin oo ay ku mashquultahay soo dhigista cuntadii afurta ,waxaasoo howla ninkii wuu hurdaa ama wuu fadhiyaa ama waaba maqanyahay mid cibaadaysanayoo masaajid ku jira iyo mid gurigaba jooga se iska fadhiya oo aan waxba ku caawin.
diiniteena suubanee islaamku waxay ina faraysaa in lays caawiyo oo lamaanuhu isu naxariisto oo aanay ceeb ahayn inuu ninku reerkiisa la shaqeeyo wax yarna haba noqotee ceeb maaha inaad laqaybsato howsha kijada ama cunta karinta ramadaan ama qayr ramadaan bal waa mid xoojinaysa maxabada iyo kalgacalka reerka hooyadaa ood lashaqayso ,xaaskaaga,walaashaa gurigaasina wuxuu u eekaadaa mid jawi qurux badan oo marwalba qosol iyo farxad laga dareemo,caruurtaa ku faraxda markay arkaan aabahood iyo hooyadood oo kijada kuwada jra ama aabe hooyadood ka caawinaya howl guri.
guntii iyo gabagabadii bulshada somalida si guud waxaan ku dhiiri gelinayaa inay dhaqanka noocaasa bedelaan oo ku bedelaan ka wanaagsanee aan kor ku xusay nolosha lamaanaha waxaa qurxiya tafaasishaa yaryar ee aynu yaraysano hadaynunahay raga ama ceebta u naqaano .
abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
dubai
00971527626197

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker