Gool Jabay

Goolku waa awrka naaxay ee iibka loogu talagalayy – lana filayo in lacag badan la siisto! Haddaba, haddii uu goolku jabo; barta uu ku jabay ayaa lagu qalaa oo ma yeesho qiimihii uu lahaa ee la filanayey. Hilibkiisana waxa iibiya haweenka hiliblaha ah ee seyladda gudha! Waana sababta loo yidhaahdo wax kasta oo qiimo dhaca, waa gool jabay!

Haddaba, beri baa waxa jiray wiil aad u qurux badnaa oo isla markaasina qab weynaa. Gabdhaha geyaanka ah ee geyiga joogaana isaga ayay u feedhan jireen – ragga kalana isha ayay ka lalin jireen!

Haddaba, ninkii quruxda iyo qiimaha lahaa ee waliba qabku u dheeraa; ayaa guursadeey gabadh yar oo iska haydhif ah oo aan ilqabatin lahayn!
Dhallinyaradii beesha ayaa la yaabtay halka uu ninkii qabka weynaa ku dambeeyey! Markaasi ayay u bixiyeen gool Jabay.

Hadalkaa ay dadeen
ee la saaray daboolka
Adigu sii dildilaacso
oo dulucdiisa u fiirso!

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker