Amiiral muminiin Cali Bin Abi Daalib Qore khadar ibrahim

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

Nasabaddiisa….

Cali bin Abuu Daalib (Cabdumunaf) bin Cabdulmudalib (Sheyba) bin Haashim (Camr) bin Cabdumunaaf (Muqiirah) bin Qusay bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin Khuzeymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macad bin Cadnaan Al Qurashi Al Haashimi.

Waxaay naanistiisu ahayd Abul Xasan, sidoo kale Abuu Turaab, xaydar, dhul fiqaar. Hooyadiis waa Faadima bint Asad bin Haashim bin Cabdulmunaf bin Qusey Bin kilaab. Waxay ku kulmaan hooyadiis iyo aabahiis xagga nasab ahaanta odayga Cabdulmunaaf, waana bani Haashimkii karaamada iyo sharafta lahaa ee ugu horeyay ee is guursada (yacni Abuu Daalib iyo Faadimah bint Asad isku raas ahaan). Wuxuu Cali kudhashay magaalada Makkah 13-kii Rajab 23 sano kahor hijrada oo kubeegan 17-kii Maarso 599 Miilaadiyada, sida ay qaar kamid ah mu’arrakhiintu sheegaan. Waxaanu ku dhashay kacbada gudahiida ka dib markii ay hooyadiisa faaduma foosho ku qabatay kacbada horteeda ,karaamadna darbi aya lo dilaaciyay oo ay ka gashay kacbada gudahiida halkaasna cali ku dhashay kacbada gudahiida sida ay kutubta taariikhda ka warisay.waxaana soo wareyay qisadaas ALXAAKIM FIL MUSTADRAK V3,482P

Mufasirkii Mujaahid waxuu yiri:- Qofkii ugu horeeyay (xagga Saxaabada) ee tukaday waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.

Cabduraxmaan bin Zaraarah waxuu yiri:- Cali Markuu Islamayay waxuu jiray 9 sano.

Waxuu yiri Xasan bin Zeyd:- Cali bin Abii Daalib waligiis sanamyada ma uusan taaban umuuna dhawaan.

Cabdullaahi bin Cabbaas waxuu yiri:- Qofkii ugu horreeyay ee Islama Khadiija kadib waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.

Markii Rasuulka SCW lasoo waxyuubay isniinti ayuu salaasadii bu u yimi Cali oo kuray yar ah, markaas buu ku yiri:- Caliyoow! Ilaahay xagiisaan kuugu yeeri ee diintan soo gal. waayo dadku diinta xanafiyadda ee nabi ibraahin aya dad kala duwan aaminsanaayeen reer bani haashin na badankood aya aaminsanaa,kadib wuxuu isku qiiminayay cali wuxu aaminsana iyo risaalada cosob ,Wuuna u sharxay. wuxuuna kusoo kallahay xaggii Nabiga SCW, waxuuna ku yiri:- Ibar diintaadan. Halkaas buuna ku islaamay Cali. Waxaa ka sugnaatay Cali xagiisa inuu yiri:- Waxaan ahaa qofkii ugu horeyay ee tukado (xagga saxaabada) oo isaga iyo nabiga scw iyo khadiija iska cibaadaysan jirayn 7 sanadood sida u xaakim ,tirdmidhi,dabari,axmed soo wareyen makka kaligood marke hore.
Maxaa halkaas Nuga soobaxay:
1- Cali wuxu ku dhashay kacbada gudahiida .

2- Qofkii ugu horeyay xaga ragga oo muslin noqday.

3- Qofkii ugu horeyay ee tukan jiray islaamka.

4- Wuxu aha ninka kaliya ee sanam aan u caabudin ( karama laahu wajhu) diinta xanafiyadda ee nabi ibraahim ayuu aaminsanaa

Waa inuu qaybta labaad …………………….

Qore khadar ibrahim

Khadar338@Hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker