” Madaxweyne Muuse Biixi Xil Ka Xayuubin Ayuu Ku Mutaysanaya Dastuur- Jabinta Sharcigii Lagu Laalay Ee Xildhibaanku Ku Xidhan Yahay. “

Madaxweyne Muuse Biixi Xil Ka Xayuubin Ayuu Ku Mutaysanaya Dastuur- Jabinta Sharcigii Lagu Laalay Ee Xildhibaanku Ku Xidhanyahay…

 

Saraynta sharicgu wax kaleba maha waa in Muwaadinka u sareeya ilaa Madaxweynaha loo simanyahay sharciga. Waxaa maanta cad in Dastuurkii inaga dhaxeeyay uu jabay oo si cad ay u jabisay Waaxdii Fulinta oo Madaxweynuhu hoggaaminaayo, anigu ka hadli maayo hadalkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ee 18-ka May, kuma raacsani oo maalin Qaran ayaan anigu u aqoonsanahay, lakiin Xildhibaanku rayi ayuu leeyahay Waddan Dimuquraadi ah ayuu Xubin Baarlamaan ka yahay hadduu dood qabo iyo ciddii kale ee rayi qabtaba in la qanciyo amma lala doodo nidaamka aynu qaadanay ayaa wajibinaaya..

 

Xadhiga Xildhibaanka sidii loo maray, sifaha ilaa hadda lagu hayo Xabsiga iyo horgayntii Maxkamadda isagoo ka tinadaysan intuba waa Dastuur-jabin cad oo badheedha Golaha Wakiilada oo Guddida joogtada ahi matalaysaana maanta ayay cadeeyeen, waxa haddaba taas ka ratibmaaya Madaxweynaha oo amarka bixiyay in maamus ka xayuubin lagu soo oogo marka Golaha Wakiiladu kalfadhigiisu furmo kadibna uu nasiibkiisa ka qaado. Midha qudha ee saraynta sharciga soo celinaysa waa taas haddii saraynta sharcigu jiro weeye, haday sidaa ahaan waydo ma nihin Waddan Dimuquraadi ah waxaynu nahay Xukun Millatari ah, suurto galna maha in Dalku doorashooyin galo iyadoo sidan Dastuurkii loo laabay, miyaa ummadda laysku dilayaa haddii aanay shuruucdii taalay ee Madaxweynuhu Madaxweyne ku aha, ee Baarlamaanku sharci dajin ku aha ee Maxkamaduhu inoogu dhisnayeen haddii aan kii lagu dhaqmayn taasi waa anaa ka xoogwayn marka wixii inoo yaalay way laab mayaan..

 

Wa-bilalahi Tawfiiq..
Muniir Axmed Cigaal
Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker