Isuduwaha Caafimaadka Daadmadheedh Halyey Aan La Hilmaamin! W/Q: Sayid Maxamed Darwiishka

 

 

Waa sunnaha nolosha in  uu aadamuhu  shiido ma uu tuuryeeyo geedka midhaha  leh, sida oo kalena aanu shiidin geedka aan midhaha lahayn ee uu iskaga tago. Sababtuna waxa ay tahay, waxa uu u shidaa geedka midhaha waa si ay wax uga soo daataan, ka aan midhahayna ma tuuryeeyo e, ee wuu iskaga taagaa.

Sidaa si la mid ah, aadamuhu waxa uu  wax ka sheegaa qofka wax qabtay ama se qofka ka mudhay dadka kale, balse waligii wax ka ma sheego qofka liita, waa sidaas dhaqanka ina aadam.

Habeennadan waxa aan arkayay qoraaallo deelqaaf ah oo ka soo burqaday qof maangaab ah, una dhigan si ay ka muuqato cuqdad aan is idhi waxa ay soo taxnayd ilaa gu’gii Xaarame-cune, kana fog xaqiiqada iyo xaalka jira, qoraalladaas qiimo beelka ahi waxa ay ahayeen kuwo lagu durayo Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Daadmadheedh, Dr. Cabdirashiid Maxamed Gahayr oo ah Isuduha kaliya ee  ugu wanaagsan uguna firfircoon Isuduwayaasha ka jira Gobolka Daadmadheedh, danbina iga raaci maayo haddii aan idhaahdo waa isuduwe ka qiimo badan kana miisaan weyn Isuduwaayasha Kale oo dhan, sababta oo ah waxa uu muddaadii uu joogay uu hirgeliyay hawlihii Caafimaadka, waxa uuna gaadhsiiyay heer aan hore loo maqal loona arag, waxaana taas ku caddeynaysa sida ay maanta u shaqeeyaan Cisbitaalka Guud ee Oodweyne iyo MCH-ka magaaladdaasi. Sida oo kale waxa caddeyn iyo marag-fur kuu ah inta xanaano ee laga hirgaliyay Gobolka Daadmadheedh iyo weliba sida ay u shaqeeyaan Rug-caafimeedyada Tuulooyinka Gobolka Daadmadheedh. Waxqabadkaasina ma aha mid gacanta lagu qarin karo, balse waa mid u cad sida dayaxa 14naadka ah.

 

Runtii waxa yaab ah sida qofkan qoraallada qoray  sida uu wax u qoray. Sababta oo ah waa qoraal ka madhan aqoon iyo aragti. Malahayga waxa aan is idhi  isagu waxan ma qorin ee waa wax loo soo yeedhiyay, waayo qofna beentan cad uma uu badheedheen. Jeer kalena waxa aan is idhi wasaarradda iyo isuduwaha uu sheegayaa ma aha ka caafimaadka ee ku kale, dabcan laga yaabaa in uu qalinku ka qaldamay oo uu ujeedo cid kale, Haa, waa laga yabaa.

Ku fogaan maayo miskiinka, waxa se aan bulshada Daadmadheedh  u sheegii lahaa in dhaliisha cidda leh la sheego, sababta oo ah, waxa Gobolka Daadmadheedh ka jira waa la og yahay. Waa la arkaa Wasaaradaha ay albaabadu u laaban yihiin, waa la arkaa mahaariicda maalin walba la lunsado iyo magac u yaalnimadooda. Waana kuwa u baahan in laga hadlo oo dhaliishooda oo la sheego, ma se aha in Wasaarad iyo Isuduwe shaqeynaaya lagula dul dhaco been aan raad lahayn.

Isuduwahana waxa aan leeyahay haddii uu ey ku qaniino xidmaddu ma aha in aad adna qaniinto xigmaddu se waa in aanad qaniinin, ee u dulqaado caammada cadhadooda, cilladooda, curfigooda, iyo catowgoodaba, sababta oo ah waa dadkii aad masuulka ka ahayd.

 

Waxaa qoray: Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker