Birnaamijka KEDIS Ee Shirkadda Telesom Oo Su’aashii Ugu Layaabka badnayd Bulshada Lagu Weydiiyey Iyo Khaladaad kale Oo Kasoo If-baxaya.

Ceerigaabo(OWN) Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo bishan Ramadaan ee aynu kujirno bulshada usoo bandhigaysey Birnaamijka KEDIS oo ah birnaamij dadka soddon su’aalood lagu weydiiyo islamarkaasna si toos ah (Online) habeen kasta 9:30 pm ugasoo gala TV-yada SAAB iyo BULSHO ayaa waxa caawa lagusoo bandhigay su’aashii ugu layaabka badnayd muddada kooban oo uu ilaa hadda soconayey taasoo ah Gobolka Maroodi Jeed wuxu kuyaal (A-Isbaanishka  B-Arjantiin C-Talyaaniga D-Urugwaay) sida sawirkan aad ka arkaysaan

Waxana kaloo muddada uu soconayey bulshadu birnaamijkan kala kulantay qaladaad kale oo ay kamid yihiin Su’aalaha oo soo noqnoqonaya iyagoo isla su’aashii hore ah, su’aalaha qaarkood oo iyadoo aan qofku wax jawaab ah ka bixin haddana sax ama qalad Server-ku mid uun saarayo, su’aal jawaabteeda oo si isku mid ah laba qof uga jawaabeen haddana midkoodna la odhanayo waa qalad jawaabtaadu kan kalena la odhanayo waa sax jawaabtaadu.

Halka su’aalaha qaarkoodna jawaabtooduba isla meeshaas ku qoran tahay oo qof kastaaba su’aashaas jawaabteedu hortiisa ay taallo sida sawirkan hoose aad ka arkaysid

Arrimahan oo dhan waxay muujinayaan qaladaadka kazoo if-baxaya birnaamijkan KEDIS Ee Shirkadda Telesom bulshada u diyaarisay, waxayna arrimahan aan soo sheegnay sabab u noqon karaan kalsooni darro bulshada kaga dhici karta birnaamijkan iyo birnaamijyo kale oo badan oo Telesom samayso oo qaarkood la odhan karo bulshadu waxay hore ugu qabtey kalsooni weyn iyo isku hallayn.

 

C/laahi Xuseen Darwiish

Oodweynenews,com/Ceerigaabo

063 4475343

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker