“Madaxweyne Soonka La Idinka Caqbali Maayo Hadaydaan Adiga iyo Xukuumadaadu u gurman Shacabka Danyarta ah ee Cunaha Lagu Qabtey Maceeshada”Cabdifataax Cali

Hargeysa(OWN)- Cabdifataax Cali Cabdilaahi oo kamid ah Dhalinyarada u Firfircoon ee falanqeynta iyo Daraaseynta Dhinaca Siyaasadda iyo hogaanka Dalka ayaa tallo Wax ku ool ah oo la Xidhiidha dhibaatadda Maceeshada iyo quutal Daruuriga Dadka danyarta ah ee ku nool Gudaha Dalka Somaliland kuwaas oo ay Mudooyinkii u Dambeeyay la daris ahaa Sixirbararka iyo maceeshada.
Cabdifataax Cali oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews uga Waramey dhibaatada Xiligan Bisha barakeysan ee Ramadaan lasoo daristey Dadka Danyarta ah ee Muwaadiniinta Reer Somaliland iyo Saamaynta Culus ee Quutal daruurigu ku Yeeshay taas, oo aaney Nolosha adag la Wadaagin Madaxweynaha Qaranka iyo Golihiisa Xukuumaddu iyo Waliba Shabakadaha Ganacsatada Reer Somaliland iyo inta ku Xidhan ee u Baxey Dabaqadda Sare taas oo Dabaqad hoose oo Looma Ooyaan ah ay ku U Noqdeen intii ugu badneyd ee Shacbiga Somaliland isagoo arintaa ka hadlaya Waxa uu yidhi.
“Ma aha Maanta Maalintii laga adkeysan ama dhagaha laga Fureysan lahaa Shacbiga Reer Somaliland ee hoos ugu baxey Dabaqada hoose ee la ildaran Maceeshada iyo Quutala Daruuriga oo ay ka baxsan Waayeen Sida loo khiyaameeyay ee Sadex jeer laabka loogaga macaashayo Sarif bararka hoos udhaca Dollarka iyo Maceeshadda halkii hore in ay Kor uga Sii baxdo mooyee aan marnaba hoos looga Rideyn, Anigoo ka Tusaale qaadanaya Bishan Barakaysan ee Ramadaanta iyo Baahida Danyarta haysata iyo Waliba sida ay ula ildaran yihiin Raashinkii ay ka iibsan lahaayeen Ganacsatada Waxaan halkan Fariin Dardaaran ah oo Talo Culus ah uga Gudbinayaa Madaxweynaha Waxaanan leeyahey Madaxweyne Soonka Bisha Barakaysan ee Ramadaan la inaka Aqbali Maayo oo laga Aqbali Maayo adiga iyo Xukuumadaadaba haddaydaan Xil iska Saarin Dhibaatada Shacabka ka haysata Qaadashada Raashinka Sixirkii lagaga iibin.lahaa Cirka lagu Geeyay iyadoo la leeyahey Dollarkiibaa jabey, Waa mud Xaqiiq ah Bishaa Barakeysan ee Ramadaan in ay Dadkaa Danyarta ah qaarkood aanay Dabka Shidanin, oo aaney Dabaqadda Sare la Wadaagin Soonka Bisha Ramadaan” Ayuu yidhi.
Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa, “Waxaan kugula Talinayaa Tallo Fiican oo Soonkaagu Lu meel marro Maadaama aad dusha u Ridatey Masuuliyadda Shacabkan Dawlladu ha ukeento Raashin Jaban oo qiima jaban lagaga iibiyo Danyarta Reer Somaliland Maadaama ay Ganacsatadii u Nixi weyday oo ay Sagaal jeer Dilaalayaan Raashinkaa ay Dalka Dibadiisa ka keenaan oo ay Cunaha ku qabteen Shacabkii Danyarta ahaa Mar labaad iyo Mar Sadexaad ayaan Taladaa kuugu Celinayaa Maanta Dadkii Noloshoodu meel adag ayay taagan tahey” Ayuu yidhi Cabdifataax Cali Cabdilaahi.
Gabagabadiina Waxa uu Muwaadinkani Culimada Dalka u Gudbiyay Fariin ku Wajahan in ay ka hadlaan Dibaatada Maceeshada ee danyarta haysata.
Cabdifataax Cali Cabdilaahi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker