Gudida Ilaalinta Iyo Dabagalka Hantida Qaranka Oo Komeer Shaqo Ku Tagay Gobolka Saaxil

Berbera (OWN) Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa safar shaqo

ku tagay Gobolka Saaxil Magaalo madaxdiisa Berbera. Guddidan ayaa waxaa hogaaminayey Guddoomiyaha Guddida Ibraahim Mahdi Buubaa iyo xubnaha kale ee Guddida.

Safarkan oo u jeedadiisu ahayd sidii ay Guddidu xogogaal ugu noqon lahayd hawlaha ka socda Gobolada dalka, isla markaana u soo arki lahaayeen masharaaciid kala duwanayd Dhisme iyo Gaadiid ee ka baxay Miisaaniyadihii Qaranka ee kala dambeeyey, gaar ahaan Xisaab xidhkii miisaaniyadii 2017.

Waxa Guddidu safarkan shaqo ku tagi doonta dhammaan Gobolada dalka, iyada oo hubinaysa dhammaan hawlihii kala duwan ee ka baxay Miisaaniyaddii Qaranka ee 2017, iyada oo si gaar ah u eegi doonta dhismayaasha iyo Gaadiidka, kuwaas oo ah Hantida ma guurtada ah ee Qarankani leeyahay.

Guddidu waxay kormeerkoodan shaqo ku bilawday hubinta tayada iyo kharashka dhismaha Wasaarada maaliyadada ee magaalada Berbera, sidoo kalena waxay Guddidu kormeertay dhismaha Library Berbera iyo sidoo kale shaybaadhka Xoolaha taas oo ku xusnayd in laga hirgeliyey Magaalooyinka Berbera iyo Hargeisa, iyadda oo Guddidu wixii ka soo baxa kormeerkan la wadaagi doonta aqalka Wakiilada Jahmuuriyadda Somaliland, iyadda oo warbixintani qayb ka noqon doona warbixinta Xisaab xidhka 2017 ee dhawaanahanba la sugaayey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker