Aroos-yada ka baxsan dhaqanka Soomaalida oo aad u soo badanaya . balse maxaa sabab u ah?

Todobaadkan waxaa aad loo hadal hayey guurka muranka dhaliyay ee dhex maray Idriss Elba iyo Sabriina Dhoore.

Idiris iyo Sabrina Dhoore ayaa arooskoodu dhowr maalmood ka hor ka dhacay Huteelka Mandarian Hotel oo ku yaalla dalka Morocco.

Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhoore waxay soo xiratay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.

Idriss Elba iyo Sabriina Dhoore ayuu arooskooda ka dhacay dalka MaroccoIdriss Elba iyo Sabriina Dhoore ayuu arooskooda ka dhacay dalka Marocco

Ben Kitili iyo Aamino Muuddeey

Bishii Nofembar ee sanadkii tegay ee 2018, waxay Soomaalida Kenya aad u hadal hayeeen guur dhex maray weriye u shaqeeya TV-ga dalka Kenya ku yaalla ee KTN iyo gabar Soomaaliyeed.

Baraha bulshada ayaa aad loogaga sheekaysanayey guurka weriya Ben Kitili iyo Aamina Muudeey oo aqal galay ka dib markii ay muddo saaxiibbo ahaayeen, ilmana isu dhaleen.

Dhawaan ayey Nairobi ku aqal galeen Ben iyo AaminaDhawaan ayey Nairobi ku aqal galeen Ben iyo Aamina

Waxay ku aqal galeen xaflad ay dad yar oo ah saaxiibadood iyo xubnaha qoysaskooda ka soo qayb galeen.

Laakin dood xoog leh ayey baraha bulshada ka dhalisay, taas oo sababtay in dadka ay si weyn ugu kala qeyb samaan.

Muddadii qarniga ahayd ee u dambaysay, Soomaalida waxaa la sheegaa in ay si tartiib ah u dhex galayeen mujtamacyada kale, guurka Ben iyo Aaminana su’aasha ugu weyn ee uu keenay ayaa ah sababta ay Soomaalidu guurarka qaarkood ugu arkaan kuwo caadi ah, halka kuwo kalena ay u arkaan in ay lid ku yihiin dhaqanka.

Iimaan iyo David Bowie

Sahra Maxamed Cabdulmajiid oo loo yaqaanno Iimaan, ayaa ah gabar Soomaali ah oo dharka xayeysiisa.

Waxay mar ka soo muuqatay heesta ‘Remember the time ee Michael Jackson oo sidoo kalena uu ku jiray jilaaga caanka ah ee Eddie Murphy.

Iimaan waxay ka soo muuqatay muuqaalka heesta Remember the time ee uu qaaday Michael Jacksoniimaan waxay ka soo muuqatay muuqaalka heesta Remember the time ee uu qaaday Michael Jackson

Waxay is qabeen heesaagii geeriyooday ee Ingiriiska u Dhashay, David Bowie, 1992 – 2016.

Iimaan iyo david Bowie waxay is qabeen 24 sanoIimaan iyo david Bowie waxay is qabeen 24 sano

Wakhtigaas ka hor, waxay u dhaxday Spencer haywood oo ahaa cayaartoy Maraykan ah oo Kubadda kolayga cayaari jiray, kaasoo ay is qabeen 1977 – 1987.

Iminka waa 63 jir, waxayna dhashay laba gabdhood.

Dr Xasan Shire iyo xaaskiisa Stella

Dadka magaca ku dhex leh Soomaalida ee ku faraxsan guurkooda ajaanibta waxaa ka mid ah Dr Xasan Shire Sheekh oo madax ka ah ha’yadda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika.

Dr Xasan Shire, xaaskiisa Stellah iyo gabadhooda CarraweeloDr Xasan Shire, xaaskiisa Stellah iyo gabadhooda Carraweelo

Waxaa u dhaxda Stellah Akatukunda. Muddo ka hor ayaa labadooda magaalada Muqdisho loogu sameeyey xaflad weyn oo ay yimaadeen asxaab iyo madax ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Guursiga ajaanibta ma aha wax ku cusub nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka laga eego dhanka isdhexgalka mujtamacyada dega xeebaha oo ka duwan kuwa deegaannada aan xeebaha lahayn ee u badan reer guuraaga.

Doodaha qaar in ay noqdaan hadal hayn weyn waxaa saamaxay baraha Bulshada oo ah meelo ay dadku ra’yigooda ku soo bandhigaan, laakin dhanka kale, waxaa yar ama meesha ka maqan tixgelinta dookha qofka, iyo in loo arko inuu isagu yahay qofka leh go’aanka noloshiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker