Xisbiyo U Eekayaashii Halkaasuu Xaalkoodii Marayaa!!!!!!!!.

sadexda Lagu Sheego Xisbiyo Qaran Waa Kulmiye, Ucid Iyo Wadani Waxaad Moodaa Inaanay Ahayn Xisbiyo Qaran Oo Weli Caqligoodii Taagan Yahay Wakhtigii Ururada Badani Ay U Tartamayeen Golayaasha Deegaanka December/2012, Oo Aad Moodid Inaanu Caqligoodii Aanu Weli Korin!!!!.
Waxay Ku Meeraysanayaan Muddo Sanad Ah Doorashadda Golayaasha Wakiiladda Waxaa Qabanaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Muddo Xileedkiisii Gabaabsiga Yahay, Ma Qabanayaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Muddo Xileedkiisu Gabaabsiga Yahay!!!!!!!!!.
Xisbiyo U Eekayaashii Halkaasu Xaalkoodii Marayaa!!!!!!, Waxayna Leeyihiin Waxaanu
Metelnaa Taageerayaashayadda!!!!!!.
Waxaanay Leeyihiin Waxaanu Nahay Xisbiyo Qaran!!!!!!!.
Ninkaad Kabaha Ka Tolanaysid Kabihiisaa La Eegaa!!!!!!.
Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Xilka Ugu Wayn Dushiisa Ayey Saaran Tahay, Waana Inaanu Ku Galgalan Labada Xisbi Mucaarad Ee Wadani Iyo Ucid.
Madaxwayne Muuse Biixi Waxaa Looga Fadhiyaa Inuu Ku Dhaqaaqo Qodobadan Soo Socda:-
1. Madaxwaynuhu Inuu Amar Culus Dul Dhigo Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
2. Komishanka Doorashooyinka Qaranku Inay Bilaabaan Diiwaangelin Dhamaystiran Oo Laga Bilaabo Goboladda, Awdal, Maroodi Jeex, Saaxil, Togdheer, Sool, Iyo Sanaag.
3. Komishanka Doorashooyinka Qaranku Inay Dhamaystiraan Dhamaan ID Card, Kaadhka Dhalashada, Kaadhka Codaynta, Shaqaalaha, Qalabka Lagu Hawlgelayo, Iyo Gaadiidka.
4. Madaxwayne Biixi Inuu Soo Magacaabo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Kooban Sagaal Xubnood Ama Todobadoodii Xubnood 30/11/2019.
5. Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee La Soo Doortay Waa Inay Kala Wareegaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Ay Xilka Kala Wareegayaan Dhamaan Qalabkii, Shaqaalihii Iyo Gaadiidkii Lagu Hawlgelayay Insha Allaah.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker