Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisa ha la xasuusiyo inaaney aheyn Mucaaradkii dalka ee ay yihiin Xisbul-Xaakimkii iyo Xukumadiisii labbad

Kollay Annigu waa ku ogaa Caqligaa iyo indho-adkaanta noocan ah ee hore Ummadda ugu raacday iyo Maanta ay keenan  kud ka guud oo qanjo-u guud arinka ah ee shalay la wadaageen maqalkiisa iyo hadafkiisu wax uu yahay.

Sidda uu iminka Xisbiga Kulmiye wax kuwada  waa wax aad looga xishoodo  kunaa habooneyn inay Ummada la hor-yimaadan  ficil iyo Aragtidan aadka  u jabban .

Waa ognahay  arimaha la isku diidsan yahay , waxay yihiin  siddo kale waa ognahay inaan Wada-hadal mudan oo la isla eegaayo  waxyabaha Qaranka horyaal ee faraha badadan  sidii ugu habooneyd  iyo sidda ugu wanaagsan wax looga qabanaayo wax loogga qaban karro.

.

Tallabada iyo ficilka Kulmiye iyo UCID  la wadaageen uummadu ma ha mid Wakhtigii amma goortii ku habooneyd laggu dhaqaaqay  kumaan darin haddii ay feedhaha Ummada, tirsadeen oo waxay doonaan ka   dhicinnkaraan khalad iyo saxba amma Sharci iyo sharci-darro ba. Wada-shaqeynta iyo ku shaqeynya qawaninta sharciga  waa muhim waana mid looga baahan inta badan Xisbiga xisbul-xaakimka iyo Xukumadiisu aad iyo aad ugu dadaalan inay  ku dhaqmaan balse hadda sidda Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisu door-bidayso ayaadaba kow ka ah in sharci-darrad iyo isma-qiiqis wax ku hogaamiso.

Maanta si waafi ah ayey markhaatiga Ummada Jamhuuriyada Somaliland  u furaysa (9-sanadood )ee labbada Xukumadood ee Kulmiye ahi ay Dalka Hogaanka hayaan in dhaawac weyn oo dhinac kasta ah soo gaadhay Jamhuuriyada Somaliland balse sidda muuqta taa uguma jirto diwaanka  dib-eegista iyo baadhista  guul-darooyinka Xisbul-xaakimku u horseeday Qaranka iminka waxabey  gashadeen Rikoodka cajalada aha “hore-ayaa loo cararya “saxdi iyo dib-eegis hadalkeeda.

.

Waxa Kaalin muhiim ahi ugu jirta xoogag Mucaaradka gaar ahaan Xisbiga Wadani hasa yeeshe waxay ku xidhan tahay sidda ay u fahamaan fursadaha and u qaaliga ah ee Xisbul-xaakimku siinaayo si hadyad ah , kuwo hore u soo maray oo farro badan oo Xisbiga Wadani ku hagaagi waayey waa jireen  kuwan Maanta mar kale u diyaar ah bal eegna sidaa ay u wajahan.

.

Layaab ma leh Xisbiga UCID  markiiba  horaanbu sharcig waxa la yidhaadhdo ku dhaqmin Faysal ayaa leh  sidda uu doonan wuu ka yeelan waa xaqiiqda jirta ee dhabta  ah ee qofka Caadiga Imaan iyo Caafimaadka qaba  qiraayo ogsoon yahay na,  kaalinti Xisbi Qaran waa qaatay laakiin  ma leh himiladiisa iyo heybada  Xisbi Qaran oo waliba mucaraad ah.

.

Waxa aan odhan karrna waxa la doonaya waa daan-daansi iyo in Xisbiga Wadani wax aan qaban lagga doono.   Dhinac Xisbiga wadani  ma diidi karro  waxa waaqiciga ah ee dalka ku sugan yahay marka lagga eego Dhaqaale  xaladaha kale ee la xidhiidha Nabad gelayadda Hanaanka Asxaabta badan iyo Doorashooyinka afarta goor muddo-dhaafay ee dhaawac iyo dhiig baxa ku aha Qarannimada iyo jirtinaanka Jamhuuriyada Somaliland iyo haykalkeeda dawaldnimo,  wax-badan oo horumar iyo  wax-qabada leh ba dib inooga dhigay,Caalamka kasbashadiisi meel adag inagga taagay.

.

Mar kale waa mid aad ugu muhiim ah Xisbiga Wadani in doorashadu qab-soonto  waayo Xisbiga wadani ma laha Xubno Xalaal ah o Golaha Wakiilada,  ugu jira  oo Doorasho ku yimi marka  dhowrka Xubnood ee  u soo digo rogtay kuwo sameyn mug iyo miisaan leh ma ah marka  lagga eego Aqalka Golaha Wakiilada fadhiidka ah .halkanna  wax kast  oo Xukumadu doonayso ayada isu heysa  Shaanbada  waxayna heysta kalsoonida iyo inta ugu badan ee Golaha Wakiilada  ka soo xaadira.

.

Halka marka ay taagan tahay  Xisbiga Wadani , waa lagama-maarmaan inaanu noqon mid wali xasuustii doorashad Madaxweynaha ee ina dhaaftay  ka sii dhexe guuxayso  ee u ahaada  mid la leh hadad iyo il-dheergaradnimo Siyaasadeed, Aqooneed iyo samato-bixinta  howl laha Qaranka ka ee u bahan ka midho-dhalinta iyo dhaqaaninta iyo Garashada Quluubta ,Cududa Ummadda Jamhuuriyada.

.

Geed ay ku xoqoto ba ha weyde waxa   Xisbiga Wadani  waa inuu aad ugu debecsanaada danta Qaranka,  iyo baahida guud ee mudan in la looga soo baxo sidda saxda ah ee waajibka Dastuuriga ah.

Gunaanadka iyo Gebo-gebada .

.

Ummadu waa u diyaar isbedel Nadaam Dawladeed ,siyaasi iyo mid nolaleed ba  hasa yeesh cid gabtay waxa weeye  mucaaradka  oo aan wali cagta saarin dhabihi himilada  iyo hogaanka Qaranka ku  beegan lahayeen.  Mid waakan Xisbul-xaakimku jeebada uu gashaday ee sideeda ba ka tanaasulay  Kaalintii Mucaaradka ee dastuuriga ah ku waajibka .

.

Xisbiga kowaad ee quwada mucaaranimo heysta  wali waxa ka sii dhexe guuxaya doorashadii Sandkii hore dhamaadkiisi dalka ka dhacaday waxii kala kulmay   ku dhac-danbe iyo sidii uu keewad u sudhan laha halbaw-layasha muhimka ah ee u sahli karra si yar inuu Kulmiye iyo Xukumadii u biyo-dhiijiyo , isla markaan Sharciga iyo Shuruucda Qaranka ee lagga dul-booday halkood dib igu soo celiyo.

.

Waa taasee yaa u sheego  ka dhaadhiciya Xisbiga Wadani in guulihu indhaha-ka la linaayo.

Waxa aan leeyahay Xisbiga Wadani iyo Xulufadiisa Siyaasiga ah Guulaha Qaranka ee kula gudbooni inaad garato  gurato-weeyaan   inaad garab-marto ma kula gudboon.

Aragtida Muwaadinka iyo Fikrada Xort ah.

abokorm@hotmail.co.uk

Abokor I Mohamud.

Waa Billahi Towfiiq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker