“Waxaanu Haysanaa 33 Horyaal, Imissa Ayay Barcelona Haystaa?” – Tababare Zinadine Zidane Oo Jamaahiirta Barca Xasuusiyay In Real Madrid Wali Tahay Kooxda Ugu Horyaalada Badan Spain

 

 

 

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka Derby Madrid ee Getafe ayaa sidoo kale soo hadal qaaday wax ku saabsan guulaha horyaalka La Liga iyo sida ay Barcelona ugaga horreeyaan.

 

Ugu horreynba Zidane oo wax laga weydiiyay xaalada goolhayayasha kooxdiisa ee Thibaut Courtois iyo Keylor Navas ayaa diiday inuu si cad wax u sheego isaga oo kaliya in Courtois oo haatan keyd ka noqday shaxdiisu uu yahay dookh la xulan karo oo diyaar ah.

Zidane ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maaha wakhtigii laga hadli lahaa goolhayayasha, Goolhayayashu waxa leeyihiin qandaraasyo waxa iyaga lagu samaynayaana waxa uu noqon doonaa masuuliyadayda laakiin haatan maaha wakhtigii laga hadli lahaa midaas”

“Courtois waa diyaar isaguna waa dookh, Waxaynu arki doonaa Khamiista, Maaha inaan ka jawaabo, Waa aniga mid u khusaysa, Kuuma sheegayo midka ciyaari doona horyaalka ama Champions League, Waxaad arki doontaan xilli ciyaareedka dambe laba bilood gudahood”

Dhinaca kale Zidane oo ka hadlaya arrinta horyaalada ayaa Barcelona xasuusiyay inay wali yihiin kooxda ugu horyaaalada badan Spain walow uu dhinaca kale qirtay in Barca ay qabsatay horyaalka sanadihii ugu dambeeyay.

Uma malaynayo in horyaalku uusan aniga I dhibin, Waxaanu haysanaa 33 horyaal, Imisa ayay Barcelona haysataa?, Intan dambe waxa ay samaynayeen si wanaagsan waana inaan u hambalyayno”

“Laakiin taariikhda gudaheeda Real Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalo ka badan, Anigu sidan uma odhanayo inaan naftayda difaaco, Iyagu way naga fiicnaayeen dhawaanahan, Laakiin waxaan u baahanahay inaan bedelno socodkan joogtada ah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker