Man United vs Man City – Pep Guardiola Oo Hoggaanka U Halgamaya

 

Kulanka Manchester derby ayaa loo arkaa in uu noqon doono kulankii ugu waynaa xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier League maadaama oo uu noqon karo mid si buuxda u go’aamin kara kooxda ku guulaysan karta koobka horyaalka Ingiriiska isla markaana saamayn xoogan ku yeelan kara kaalmaha sare.

Manchester United ayaa Old Trafford ku soo dhawaynaysa kooxda ay dariska yihiin ee Man City iyaga oo wada ciyaari doona kulankoodoo 178 aad ee Manchester Derby. Man City waxay kulankan iskeenaysaa iyada oo maanka ku haysa in waxaan guul ahayn oo ay ka soo hesho Old Trafford uu koobka Premier league u gacan galin doono Liverpool.

Man United ayaa kulankan ciyaari doonta iyada oo ka baxsanaysa laba arimood oo kala ah in ay u dagaalamayso afarta sare si ay ugu soo bixi karto UEFA Champions league iyo mida labaad oo ah in ay ka dheeraato ceeb kale kadib waji gabixii Everton ka soo gaadhay.

Tan iyo markii uu Ole Gunnar Solskjaer uu la wareegay shaqada Man United waxaa Old Trafford guul ku gaadhay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Barcelona laakiin Man City ayaa isku aragta koox la awood ah kuwii hore Man United ugu soo garaacay garoonkeeda.

Pep Guardiola ayaa muran xoogan sii abuuray kadib markii uu sheegay in hadda aanu Old Trafford ahayn goobtii laga cabsan jiray wuxuuna sheegay in kooxdiisa Man City ay taas badashay oo ayna cabsi ka qabin in Man United ay marti u yihiin.

 

Kulankan waxaa kala taageeraya labada kooxood Liverpool oo Man United ku taageeraysa in ay garaacdo Man City halka kooxaha Tottenham, Arsenal iyo Chelsea ay soo taageerayaan Man City si ay xaalada ugu sii xumayso Man United.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Manchester City waxaa kulankan ka maqnaan doona xidiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne kaas oo uu dhaawc muruqa ahi ku soo gaadhay kulankii Tottenham ee Etihad stadium iyada oo wali aan Man City xaqiijin muddada uu garoomada ka maqnaan doono.

Laakiin Guardiola ayaa haysta doorashooyin badan iyada oo David Silva uu booskiisa buuxin doono ama ay suurtogal tahay in Bernardo Silva dib loogu soo celiyo khadka dhexe waxa kale oo uu Guardiola haystaa fursada uu shaxdiisa ugu soo celin karo da’yarkii kulankii Tottenham guusha u horseeday ee Foden.

Fernandinho ayaa diyaar u ah in uu shaxda Guardiola ku soo bilawdo taas oo doorashooyinka Man City ee khadka dhexe sii kordhin doonta waxayna ku soo wada bilaaban karaan Ilkay Gundogan.

Vincent Kompany oo sanadihii la soo dhaafay saamayn wayn ku lahaa kulanka Manchester Derby ayaa shaxda dib loogu soo celin karaa laakiin waxa uu tartan adag kala kulmayaa Aymeric Laporte, John Stones iyo Nicolas Otamendi.

Dhinaca Man United waxay rajo ka qabaan in xidiga khadka dhexe ee Ander Herrera uu soo laaban karo kadib markii uu dhaawac muruqa ah ku maqnaa laakiin Solskjaer ayaa isku dayi doona in uu isbadal ku sameeyo kooxdii uu ceebta kala soo laabtay Goodinson Park.

Solskjaer ayaa go’aanka gaadhi doona Fred, Nemanja Matic iyo Romelu Lukaku waxa kale oo baadhitaan xili danbe ah la mari doonaa Phil Jones  kaas oo jug soo gaadhay loo badalay waqtigii nasashada ee kulankii Everton.

Warka ugu fiican ee uu Solskjaer haysto ayaa ah in uu shaxdiisa dib ugu soo laaban doono Luka Shaw oo labadii kulan ee ugu danbeeyay ganaaxyo kala duwan ku mqnaa taas oo la micno ah in Diogo Dalot uu difaaca midig ku soo bixi dono halka Ashley Young aanu fursad heli doonin.

Xogta Kulanka:

Tartanka: Premier league

Kulanka: Man United vs Man City

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 10:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Shaxaha Macquulka Ah Ee Man United vs Man City

Man United: De Gea; Dalot, Smalling, Lindelof, Shaw; Herrera, McTominay, Pogba; Lingard, Rashford, Martial

Man City : Ederson; Walker, Kompany, Laporte, Mendy; Gundogan, Fernandinho, D Silva; Bernardo, Aguero, Sterling

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker