Madaxweyne Trump oo la kulmay maareeyaha guud ee Shirkada iska Leh Twitter

 

 

 

 

Madaxaweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay Jack Dorsey oo wax ka aasaasay barta ay bulshadu ku xiriirto ee Twitter, si ay uga wada hadlaan baraha bulshada.

Shirkadda Twitter oo war qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in labada masuul ay ka wada hadleen “sidii loo difaaci lahaa wadasheekaysiga caafimaadka qaba ee bulshada” ka hor doorashada guud ee Maraykanka ka dhacaysa sannadka 2020ka.

Horraan ayuu Trump u sheegay in shirkaddu “ay gacan bidixayso” isaga.

Trump ayaa Twitter-ka soo galiyay sawir lagu qaaday xafiiska madaxweynaha ee Oval Office oo ay ku wada jiraan Dorsey iyo isaga, wuxuuna ku tilmaamay “kulan muhiim ah”.

“Waxyaabo badan oo shirkaddooda ku saabsan iyo kuwo kale oo guud ahaan baraha bulshada ku saabsan ayaan ka wada hadalnay” ayuu soo qoray Trump

Presentational white space

Dorsey ka jawaabay Twitterka madaxweynaha ayaa u mahadceliyay.

“Twitter-ku wuxuu u furan yahay dhammaan wadasheekaysiga bulshada, waxaana doonaynaa in aan ka dhigno meel fayaw oo shacab, ayuu soo qoray agaasimaha guud ee Twitter.

Kulankan ayaa yimid saacado uun ka dib markii madaxweynuhu uu soo dhigay labo qoraal oo uu ku sheegayo fikirkii uu muddada dheer qabay ee ahayd in shirkaddu aysan siyaasadda dhexdhexaad ka ahayn.

Wuxuu sheegay in shirkadda Twitter “aysan si wanaagsan ula dhaqmin, marka ay timaaddo Jamhuuri ahaan” wuxuuna ku eedeeyay in ay xaddido dadka xogta uu soo dhigo la socon kara.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa Twitter-ka u adeegsada in uu ku dhaliilo saxafiyiinta, siyaasiyiinta iyo dalalka adduunka qaarkoodMadaxweynaha Maraykanka ayaa Twitter-ka u adeegsada in uu ku dhaliilo saxafiyiinta, siyaasiyiinta iyo dalalka adduunka qaarkood

“Dad badan ayay ka reebaan in ay igu taxmaan, dad badan ayaana arrintaa ka cabta,” ayuu yiri Trump wuxuuna intaas ku daray in dadka ku taxan ay aad uga badnaan lahaayeen inta ay hadda yihiin haddii Twitter-ku uusan siyaasad ciyaarayn”.

Shirkadda ayaa si joogto ah u diidda eedaymaha sheegaya in aysan dhexdhexaad ahayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker