Madaxwayne Uhuru Kenyatta oo La Heshiiyay Hogaamiyaha Xisbga Mucaaradka ee Ugu Adag mr Raila Odenga

 

 

Nairobi:  (OWN)       Mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga talada haya ee Kenya, Jubilee ayaa noqday midka loogu hadal heynta badan yahay, kadib markii ay heshiiyeen hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta oo aad ugu kala fogaaday doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Kenya.

Heshiiskan loogu magac daray salaantii Uhuru iyo Odinga ayaa suurta galay sanad kahor, waxaase la aaminsan yahay in uu khilaaf ka dhex abuurtay xisbiga talada oo u kala jabay laba dhinac, ayna saameysay madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo leh hami siyaasadeed.

Inkastoo Ruto uu markii hore soo dhaweeyay heshiiskii Raila iyo Uhuru aya haddana waxa uu dhowr jeer uu ku celceliyay in Raila aysan daacad ka ahayn heshiiskii nabadda, doonayana in uu kala geeyo xisbiga talada haya.

William Ruto iyo Raila ayaa dhowr jeer is dhaafsaday hadalo kulul, walow madaxweye Uhuru Kenyatta uu marwalba aa u difaaco heshiiskii dhex-maray isaga iyo Raila Odinga.

.Heshiiskii Uhuru iyo Raila ayaa keenay xasilooni siyaasadeed

Walaac Ruto

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo doonaya in sanadka 2022 ka uu u tartamo xilka ugu sareeya Kenya, horayna isaga iyo madaxweyne ay ugu heshiiyen in uu baddelo ayaa u muuqda mid ka walwalsan suurtagalnimada damaciisa, waxana uu sheegay inay jiraan shaksiyaad si kahladan u adeegsanaya qaar kamid ah laamaha dowladda.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la lunsaday malaayiin doolar oo loogu talo galay mashaariic horumarineed, arrintaas oo qaar kamid ah xildhibanaada barlamaanka ee isla xisbiga talada haya ay ku eedeyeen in isaga iyo shakhsiyaadka ka agdhaw ay ku lug leeyihiin.

Lacagta la sheegay in la lunsaday ayaa oo gaareysa 210 milyan oo doolar ayuu madaxweyne ku xigeenka Kenya sheegay in aysan gaareyn intaasi oo ay dhan tahay 70 milyan oo doolar, hasa yeeshee wasiirka maaliyadda ee Kenya ayaa arrintaas beeniyay, isagoona sheegay in lacagta maqan ay intaas ka badan tahay. Raila ayaa isna su’aal geliyay sida madaxweyne ku xigeenka uu ku ogaaday tirade lacagta maqan.

Kipchumba Murkomen oo ah siyaasi aad ugu dhaw madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in sababta loo eedeynayo Ruto ay tahay damaciisa siyaasadeed, qaar kamid ah saraakiisha dowlada iyo Raila na ay ka shaqeynayaan sidii ay u minja xaabin lahaayeen hamiga siyaasadeed ee Ruto.

“Dib u heshisiintii Raila iyo Uhuru ma ahayn mid daacad laga yahay oo waa fadeexad, madaama Raila uu doonayo in uu la heshiiyo madaxweynaha dalka, doonayana in uu collaadiyo ku xigeenkiisa”.Sidaas waxaa horay u yiri Murkomen oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee Kenya.

Wuxuu intaa raaciyay in ujeedada ugu weyn ee Raila ay tahay kala qeybinta xisbiga Jubille, arrintaas oo uu beeniyay madaxweyne Kenyatta.

“Dad badan oo reer kenya waxay qabaan in geeska la geliyay madaxweyne ku xigeenka iyo dadka taageera marka la eego dhacdooyinkii dhacay oo lagu bartilmamaeedsaday dadka isaga aadka ugu dhaw, waxayna saameyn ku yeelan kartaa wadashaqeyntii labad dhinac, taas oo caqabad horleh ku keeni karta dowladda”. Sidaas waxa BBC-da ku yiri Maxamed Cabdullahi oo ka faalooda arimaha geeska Afrika.

Waxa jirtay in dad badan ay walaac ka qabeen xaaladda ka soo cusboonaatay xibsiga Jubilee iyo degenaansha la’anta ay ku keeni karto xasiloonida Kenya, arrintas oo Maxamed Cabdullahi uu sheegay inay adag tahay inay dhacdo, maadaama labada mas’uul ay horay u tageen maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC.

. Sudi iyo Murkomen waa siyaasiyiin aad ugu dhaw Ruto

Taageerayaasha William Ruto

Xafiiska dacwad oogaha iyo laanta dembi barista ee dalka kenya ayaa maalmihii ay soo baxeen wararka sheegaya in lacag la lunsaday waxay bilaabeen in baaritaan ay ku sameyaan qaabka ay wax u dhaceen iy iyo halka ay jirto lacagta maqan, hasa yeshee xildhibaana taabacsan Ruto aya markii ba ku gacan seyray dedaalada dowladda, iyagoona sheegay in la bartilmaameedsanayo, loona jeediyo madaxweyne ku xigeenka.

Ruto oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegay in hay’daha dembi barista iyo xafiiska dacwad oogaha aanan looga bahneyn inay qabtaan shaqada guddiga la dagaalanka musumaasuqa.

“Waxaan rabaa in aa u sheego madaxa laanta dembi barista, George Kinoti in waxa aad sameneyso aysan ahayn musuq la dagaalan, balse aad dagaal kula jirta dad gaar ah oo aad tahay nin la soo diray, haddii aadan ka fiirsan waxan kuu sheegaya in wado xun aad ku socoto”. Sidaas waxa horay u yiri Oscar Sudi oo ah xildhibaan aad ugu dhaw Ruto.

Wuxu kale oo uu sheegay in ujeedada arrintan ay tahay sidii madaxweyne ku xigeenka looga hor istaagi lahaa damaciisa siyaasadeed ee 2022-ka. Siyaasiyiin dhowr ah oo taabacsan Ruto ayaa maalma kahor laga la laabtay ilaaladooda, taas oo ay shegeen in sababta loo bartilmaameedsnayo ay tahay taageerada ay u muujiyeen Ruto.

Arrinta kale ee la hadal hayay maalmahan aya ahayd qaabka loola dhaqmay madaxweyne ku xigeenka, kadib markii uu booqasho ku tegay magaalada Nyeri. Ruto ayaan loo dirin wax ilaala ah markii uu halkaas tegay, waxayna sii xoojisay hadal hentii ahayd in uusan xiriir wanaagsan ka dhaxeyn madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Kibicho oo ah sarkaal sare oo katirsan wasaaradda amniga ee Kenya ayaa sheegay in kooxda qorsheysa kulamada madaxweyne ku xigeenka aysan soo sheegin wakhti hore oo wax lagu diyaariyo, si booliska ay ugu diyaar garoobaan.

Walow aysan caddeyn qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Kenyatta iyo Raila Odinga aya haddana tallaba walba oo ka duwan wixi ay horay ugu heshiiyeen Uhuru iyo Ruto waxay dad qabaan inay cabsi iyo xasilooni darro siyaasadeed ay ku keeni karto Kenya, maadaama labada qowmiyadood ee Kikuyu da iyo Kalenjiint ta ay dirireen kadib doorashadii 2007-da.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker