Ma u eeg tahay in Jamhuuriyada Somaliland Haan-gun-la, aa, ay doonaysa inay dhaamiso marka lagga hadlo Wada-hadal la yeesho Soomaliya amma inna dhexe-marra

Ma u eeg tahay in Jamhuuriyada Somaliland Haan-gun-la,   aa,  ay doonaysa inay dhaamiso marka lagga hadlo Wada-hadal la yeesho Soomaliya amma inna  dhexe-marra   ?

Dood-wadaagii Habeenkii Axddu baxaysay  Hargeysa laggu wadaag siiysay  Hal-doorka Siyaasiga ha iyo Aqoon-yahan , Wax-garadka in ka mid waxay  ahayd in laggu darro Dood-wadaagga iyada aheyd .

Qoddobada soo socda :

 

Haddii aan Soomaliya aaney dooneyn Wada-hadal ay la yeelato Somaliland  maxaa la yeelaya?

.

Yaase  soo fadhiisanaya haddii ay ka gows-adeygto amma is diidso  Soomaliya Wada- hadalka Sabab ay iyaddu ogtahay owgood ?

.

Yaase dabaanad ka noqonaya hadii Soomaliya  diido  mar kale inay timaado amma ka soo xaadirto Golayasha, Calaamiga ee wada hadallad loo qorsheyey inay ka dhacaan?

.

Se ma tahay wakhti ay Soomaliya Wada-hadal la  geli karto  Jamhuuriyada Somaliland  marka la eego  Xaladaha adag ee ay  ku sugan tahay?

.

 Wada-hadalladii  la la yeeshay soomaliya wax midho ah oo  Jamhuuriyada Soamliland uga soo go,ay ma jiraan halka Soomaliya ay   ka faa.iiday  wax badan in adduunku aqoonsi buuxa siiyo iyo in qodobadii laggu heshiiyey  kulannadda la la yeeshay inay  ka faa.iidaysatay oo Hawadii sare loo raray Xamar amma Muqdisho iyo dhaqalaha xoogan ee muuqad ee Addunyadu sida joogtada ah ugu hurgufayso.

Waxanna  Sabaabay u ahaa ayeynu odhan karnaa  indho-la,aantii iyo ka baaran deged la,aantii lagu dhexe-fadhiistay shir-Soomaaliya lagga  Arimanaayo  siddii loogu heli laha Xal ay kagga soo ka bato Xalaha qalafsan e int badan la noolayd .

Qorshe la,aantii shalay aynu la bilqanay ayaa wali  la noolahay , tusaale ahaan  waxa kasta waxaynu ka door bidayaan  cid kast marka Hogaanka dalka joogta in aragtidooda iyo afar ay la tashadaan ay noqonto hadafka iyo hanaank Qaranka laggu haga yaa.  Waa  arkayna  waxa dood-wadaaga ka soo baxay sidda aragii isku Golaha wasiirada ah u kala hadleen mid na yidhi go-gol ayaa na loo fidiyey ee lama dhex dhexaadin Soomaliya markaa aanu wada hadalka la yeelayay , Halka ka kalena ku adkeysanyey waa  nala dhex-joogay asaggo  waliba aan isu heystay inuu ahaa mid ku sax kunna toosan sidaa uu yidhi .

.

Waxa aynu ogsoon nahay haddii aynaan iska jeceleyn inaynu dhaamino haan-gun-la,aa  qadiyada iyada ah halka  ay ka taagan tahay Soomaliya  : oo ah inay aad iyo aad you howlan tahay siddii ay,   Ciidamo-quwad iyo Cudud xoogan leh dhisato iyo Nadaam dawli ah oo is heysta  marka ka dib ay ku dhaqaaqdo waxii la gudboon oo u badan inay awood iyo muquunin  isku dayi-doonto.

.

Waa haddii ay suurto-gal u noqota  waxii ka kala daadsan iyo ka kala ta faraaruqsan ba ay ka soo kabbato sida ay tahay ,  iyo sidda ay u doonayso. Halka marka mareyso   iyadun  haddii  taasi  u shaqeeyn weydo  inay isku deydo si kasto oo  xeelada iyo kaarto ah ee xagal-daac u ugu geysan karto Somaliland.  Oo  ay  kow ka noqonayso  degaamada Somaliland ee in ka mid ah Ummada ay diidan yihiin soomaliland iyo Qadiyadeed inay  ka kaluumeysato.

Waxa aan aad iyo aad u dareensan nahay  Shiikhsi ahaan sidda Jamhuriyada Somaliland,   in badan oo Ummada Haldoorkeedda ahi ay isagga indho-tirayaan Xaqiiqooyinka ,  ka jira qaybo ka mid ah Jamhuuriyada Somaliland gudaheed.

.

Waa mid u baahan in si wanàgsan oo dhuggasho leh loo dhugto Hadalka  labbad professor  ee Dood-wadaag,   ka qayb ahaa. Ee hadalkoodda  uu ahaa   waxa loo baahan yahay marka loo yimaado  Arinka Jamhuuriyada Somaliland fur-daaminteed in si wada jir ah loogga wada shaqeeyo oo macnaheeddu noqonaayo ,  waxa gudaha ka jira ha la turxaanbixiyo sidda saxda ee Ummadda kalsoonideed iyo taageerida guud laggu hellayo .

.

Siddaasina ay noqonayso sida ugu haboon ee guul-horseed ka noqon karto baahida Ictiraaf la,aan Jamhuuriyada Somaliland  ku sugan intii ay dib u la soo noqotay Xoriydeed  iyo wada-jirka ay u baahan tahay Ummadda Jamhuuriyada Somaliland  idil-agaanteed ba .

.

Marka  lagga howl gelaayo siddii Mustaqbalka dhow,  ka Dhexe iyo ka fog ba looggu dhiilo culan laha iyo ,  siddii looggu lahaan lahaa gaashankii iyo  weelkii laggu maali lahaa  waa haddii la ,  isla garto la isla na fahamo  jehadda a himilada iyo ka midho dhalinteeda loo maraayo ayadoo loo dhan yahay  si guud oo aan cid gaar ahi dheeg u duwan amma u leexin, e.

.

Dood-wadaagga noocan oo kale ahi waa kuwo waxtar iyo horumar u leh Jamhuuriyada Somaliland  iyo ummaddeda.

                     Gebbo-gebada iyo Gunaanadka.

.

Si wanaagsan oo Abaabulan howl karnimo iyo Aqoon-yahannimo ay ku dheehan tahay ayey u soo Agaasimeen Da,yarta inspire-grooup ee is-xilqaantey Dood-wadaagga isagga ah   ,aad ayaan ugu mahaddinaya  da,yarta u guntadey inay si hufan wadaagsiyaan Haldoorkii hadalka lagu marti-qaaday iyo inta Da,yarta ,Aqoon-yahan, wax-garadka ah ee ka qayb-galay.

.

Sideeda ba Dood-wadaagga noocan oo kale ahi waa kuwa Adduunyada tallabsatay ee tis-qaaday u horseeday Horumaradda iyo hore u socodka ka hirgalay  ay ku dhaafeen qarradaha kale ee aynu inaggu ku Maal amma ka mid nahay ba.

Waxa aan inta ugu daraya inay halka ka sii wadaan juhdigaa iyo Is-xilqaanka , ay isku sameysaan da,yarta inspire-grooup iyo kuwa kale la mid ahi in baahiya Qaranka loogga midha dhaliyo loo heli laha. 

Ha ka daalina ayaan idiinku boorinaya  Wadada wanaagsan ee aad cagta saarteen waa ta guusha iyo gobbonimadu ku jirto kunna hirgelayso guusha Qaranka si guud ee.

 

Fikrada iyo Aragtida Xorta ah ee  Muwaadinka

Abokor I Mohamud .

 

Waa Billahi Towfiiq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker