Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lacag badan ka sameeyay qorshe aadan filayn

Dhallinyaro Soomaali ah oo maskaxda tuujisay ayaa ku dhaqaaqay talaabo ay dhaqaale ku helaan, dad kale shaqo ugu abuureen, isla markaasna ay wax uga badalayaan nolosha dad badan oo dan yar ah.

Dhallin yaradan ayaa qashinkii bannaannada daad sanaa u badala fursadahaas aan kor ku soo sheegnay iyo waliba kuwo kale sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da ee Muqdisho oo booqday warshad dib loogu habeeyo qashinka oo Muqdhisho laga hirgaliyay.

“Mashiinno waawayn ayaan adeegsannaa qashinkii iyo caro ayaa la isku daraa iyada oo cilmi la adeegsanayo” ayuu yiri Maxamed Xasan oo ka mid ah dhallin yarada la timid qorshaha qashinka loogu badalayo waxyaabaha qiimaha leh.

“Qashinka aan warshadaynno waxaan ka samaynaa bulukeetiga, jilayga iyo marmarka,” ayuu yiri Maxamed oo la hadlay BBC.

Dhallinyaradan ayaa hal abuurkan ganacsi la yimid iyada oo magaalada Muqdisho iyo dhulka Soomaalida ay ka soo yeerayaan cabashooyin badan oo la xiriira in shaqo la’aan baahsan ay ka jirto.

Bulukeeti

Arrintan ayaana bidhaaminaysa in fikir wanaagsan oo cusub oo lala yimaado ay ka dhalan karto dhaqaale iyo bulshada oo wax lagu soo kordhiyo.

“Waxyaabahan aan farsamaynno waxaa gata danyarta iyo dadka dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay, gawaadhi badan ayaa hadda warshada taagan oo la rarayaa.” ayuu yiri Maxamed.

Marka laga soo tago dhaqaalahaha ay dhallin yaradani helayaan waxaa jira faa’iidooyin dhawr ah oo hal abuurkan ganacsigu uu la yimid waxaana ka mid ah in dhallinyaradani ay shaqo siiyeen dad dan yar ah.

“Meelaha qashinka ayaan soo maraa ka dibna warshadda ayaan keenaa kilo kiilo ayaa la ii xisaabiyaa, markaan isku dardarsadana boqol iyo konton kun oo shili maalinkii waan ka helaa, alxamdulilaah” ayay tiri Muslimo Cabdiraxmaan oo toddobo sano ku jirtay xeryaha barakacayaasha Muqdisho.

Muslimo oo lixda subaxnimo shaqo gasha ayaa BBC-da u sheegtay in aysan marnaba ku fikirin in qashin loo badali karo wax manaafacaad leh.

“Jasiira oo qashinka oo dhan lagu soo daadiyo ayaan tagaa, ka dibna waxyaabaha la soo daadiyay ayaan kala xushaa, marka aan warshadda geeyana lacagtayda ayaa farta la iga saaraa” ayay tiri Muslimo.

Hooyadan iyo dad kale ayay shaqo abuur u noqotay
Hooyadan iyo dad kale ayay shaqo abuur u noqotay

Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa qashinka xal looga la yahay, waxayna u muuqataa in warshaddan ay wax wayn ka tari doonto arrintaas, sida uu qabo Maxamed Xasan.

“Gayiga aan ku nool nahay waa mid xeebeed, xeebihii quruxda badnaana waxay isu badaleen qashin qub, marka waxaan hiigsanaynaa in ay noqdaan meel nadaafaddeedu wanaagsan tahay oo qurux badan.” Ayuu yiri Maxamed.

Inkastoo aysan sahlanayn in qashin qubka laga dhex arko furmad dhaqaale laga samayn karo haddana dhallin yaradaas waxay hiigsanayaan in ay warshadahoodan sii ballaariyaan, isla markaasna ku soo kordhiyaan mid koronto ka dhalisa qashinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker