Dhagayso : Madaxwaynihii Hore ee Somalia Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo is Barbar Taagay Madaxwayne Farmaajo & Waano Culusna u diray Mucaaradka

Qaahira (OWN) – Madaxweynihii hore ee dalka C/Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo mucaaradka dowladda ee shirka ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wuxuu weeraray siyaasiyiinta uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo kaliya doonaya inay helaan kursiga dalka, balse aysan dooneyn inay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu fariin u dirayo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan danaha dalka islamarkaana ay u adeegaan dalka, maadaama Soomaalida ay dhalinyaro u badan yihiin.

Madaxweyne C/Qaasim ayaa yiri “Siyaasi Maahan Kan Kursiga lee doonaya, dhalinyarada Soomaaliyeed horay waan ula hadlay haddana waan la hadlayaa dadka iyo dalka haloo adeego”.

“Sidaa aan uga xumahay dhibaatada dalka heysata iyo baabi’inta dadka lagu hayo ayaan ka wada hadalnay aniga iyo madaxweyne Farmaajo”ayuu yiri C/Qaasim Salaad Xasan.

Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka dhacay magaalada Qaahira, waxaana uu sidoo kale fariin uu u diray ururka Al Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo Muuqaalka Madaxweyne Hore C/Qaasim Salaad Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker