Aragtidii Madaxweyne Muuse Ee Imaatinka Dr Galaydh iyo Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland W/Q Siciid Gahayr

Arooryadii Sooyaalku ku suntanaa 6dii Feberweri 2017ka ayaan u jarmaaday goobjognimada munaasibad mug leh oo Xisbiga KULMIYE ku soo dhawaynayay Garab-weynihii NEW UCID ee uu hoggaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Waxa kale oo maalintaas Hargeysa ka soo degay Madaxweynihii Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo KULMIYE soo-dhaweyntiisa u haleeli waayay xafladda socotay, sidoo kale waxa isla barqannimadaas Hargeysa ka dhoofay Dr Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Madaxweynaha Khaatumo. Cali Khaliif waxa loo diiday in uu ka duulo madaarka Buuhoodle. Waxa lagu qabtay hoolka weyn ee Maansoor waxaana ka soo qaybgalay kumannaan iyo kumannaan qof.

Waxa  ka mid ahaa:

  1. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo markaas ahaa Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee KULMIYE
  2. Jamaal Cali Xuseen Murashaxii Hore ee Madaxweynaha UCID
  3. Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo markaas ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad ee KULMIYE
  4. Samsam Cabdi Aadan Wasiirkii Maaliyadda
  5. Amina Sheekh Maxamed Jirde (Weris) Marwada Madaxweynihii Hore ee Somaliland
  6. Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadii Madaxweyne Cigaal (IHUN)
  7. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) Wasiirkii Warfaafinta iyo Wacyigelinta
  8. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirkii Xannaanada Xoolaha
  9. Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Maayarka Gebiley
  10. Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin) Maayarka Berbera
  11. Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) Guddoomiye ku-xigeenkii 3aad ee UCID
  12. Yuusuf Googgooye Xoghayihii Guud ee UCID iyo xildhibaanno ka tirsan goleyaasha deegaanka Somaliland oo lix ahaa, marka lagu daro labada maayar ee aan xusay.

    Md Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uu halkaas ka jeediyay fagaare-hadal aan dhegahagayga ku maqlayay oo uu ku bilaabay sidan:

    Salaama Calaykum

    Maanta waxa aynu marka hore u mahadnaqynnaa haddii aynu nahay bahweynta KULMIYE oo Madaxweynuhu ugu odaysan yahay, waxa aanu aad iyo aad u soo dhawaynaynnaa, garabka UCID ee uu hoggaaminaayo Murashaxii Hore Jamaal Cali Xuseen oo xoog iyo aqoon, gudo iyo dibadba, qurbe-jooggoodii iyo qolqol-jooggoodiiba xisbiga KULMIYE ku soo xoojiyay. Waxa aanu leennahay soo dhawaada. Kal iyo laab ku soo dhawaada. KULMIYE ku soo dhawaada. Aad iyo aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin. Waxa kale oo aan doonayaa in aan caddeeyo saacaddaa, inay dhammaantood ka mid yihiin xisbiga KULMIYE si rasmi ah

    Walaalleyaal, maanta waxa jira saddex dhacdo oo taariikhda geli doona ayaa Hargeysa ka jira

    Waa marka koowaad’e, waa garabkii iyo xooggii NEW UCID oo ku soo biiray oo xoojiyay KULMIYE. Waa dhacdo aad iyo aad taariikhda u gelaysa oo xusuus mug ah leh.

    Waa ta labaad’e, waxa kale oo aan halkan ka soo dhawaynayaa Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo intii munaasibaddu socotay ka soo degay madaarka. Iyaduna waa munaasibad. Madaxweyne ku soo dhawaw dalkaaga, aad iyo aad iyo aad baanu  u soo dhawaynaynnaa, haddii aanu KULMIYE nahay madaxweynihii hore ee Somaliland.

    Ta saddexaad, saaka intii aynu qabanqaabadan ku jirnay, waxa isaguna dalka ku soo galay dhinaca dhulka oo haddana dhoofay goor dhawayd, oo aynu xafladdan kaga mashquulnay oo aynu soo dhawaynaynnaa isaga oo nabad wada, isaga oo oday ah, isaga oo inay Somaliland isu timaaddo wada Mudane Cali Khaliif Galaydh oo Hargeysa yimi maanta”

    Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbaddiisa inta badan ku soo qaatay sida uu ula dhacsan yahay imaatinka Dr Cali Khaliif Galaydh ee Hargeysa. Waxa Cali Khaliif laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle, isaga oo u socday ka qayb-galka wada-hadal Somaliland iyo Khaatumo uga socday Jamhuuriyadda Jabuuti, sidaas ayuu aroorye hore uga dhoofay Hargeysa.

    Waxaana ka mid ahaa weedhaha uu taas kaga hadlay Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland isaga oo dareenkiisa cabbiraya:

    “Maanta waa maalin ku suntan taariikhda, Somaliland ayaa isu timi daraf iyo daraf iyada oo isu soo hilawday. Waxa aad shalay saxaafadda ka arkayseen niman dhallinyaro ah oo Cali Khaliif ku eedayanaya Somaliland buu u tegay, oo uu nabad la gelayaa. Waxa aanu leennahay waayo-arag ma aydaan ahayn. Waxa aanu leennahay waad gaadhi doontaan mar waayo-aragnimada iyo xilka iyo dantu halka ay ku jirtaa ay kow tahay nabadda, nabadda, nabadda Somaliland.

    Cali Khaliif Galaydh waanu ku hambalyaynaynnaa goaanka uu qaatay. Waanu ka xunnahay dhibaatada ku soo gaadhay. Waanu ka xunnahay nimanka siyaasiyiinta ah ee ku eedaynaya “Cali Khaliif nabad buu wadaaa”. Maanta Geeska Afrika nabad buu u baahan yahay. Dunidu nabad bay u baahan tahay. Somaliland nabad bay u baahan tahay. Waxa aanu leennahay cid walba oo nabad wadda waa taageraynnaa, waan bogaadinaynnaa. Cali Khaliif  nabadda uu wado iyo in uu maanta Hargeysa lug ku soo galay isaga oo nabad raadinaya, aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynnaa, waanan ku garab taagannahay.

    Waxa aan raacinayaa dhibaatada ay leedahay aragtida gaaban ee qabyaaladdu. Walaalleyaal Cali Khaliif waa Professor aad taqaanniin oo cimrigiisii iyo noloshiisii wax badan dadka Soomaaliyeed wax u soo taray, magacna ku leh. In badan ayuu haddii ay qabyaaladi wax tarayso uu kuwaas maanta qoriga isla hor taagay reer ahaan waxa ay doonayaan uu ugu hoggaansanaa. In badan buu u dib jiray. In badan buu duurka u joogay, iyada oo aan Ilaahay badin oo uu ka maarmi karaayo, in uu iyaga noloshooda meel la raadiyo. Nasiib-darro, aragtidii qabyaaladda ee soo gaabatay, waxa ay keentay ninkii iyaga naftooda u huray, in ay maanta ixtiraam-darro qori isla hor taagaan. Taasina waa abaalka qabyaaladda: inkii moodaya inuu qabyaalad wax ku helayow.

    Cali Khaliif Galaydhna waanu ka xunnahay waxaas gaadhay, waanan garab taagannahay. Malaha waan ku dheeraaday, waanay mudnayd. Waayo waa arrin mabda’iyan ah, waa arriin masiiriya, waana arrin caqliyan ah arrintaas saaka dhacday”

    Dr Cali Khaliif Galaydh waxa uu heshiis kama-dambays ah Magaalada Caynaba kula saxeexday Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii sooyaalku ahaa 20kii Oktoobar 2017ka, waxaana doorashada ka hadhsanaa 23 cisho. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Dr Cali Khaliif Galaydh waxa ay kulmeen markii uu maalmo kooban xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi. Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxa ka mid ah sidii loo hirgelin lahaa heshiiska Khaatumo iyo Somaliland kala saxeexdeen.

    Qof ahaantayda hal habeen ayaan Dr Cali Khaliif Galaydh ku arkay Hargeysa. 26kii Jeneweri 2018ka ayay ahayd. Waxa aanu Maansoor ku lahayn casho-sharaf ay Qalinleydu ku marti-qaadday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo). Annagu alooska dhacdadaas ayaanu u joognay dabaqa sare ee Maansoor, waxa meel dhinaca bari naga xigta wada fadhiyay Dr Cali Khaliif Galaydh iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. Muddo laba saacadood ah oo aanu madashaas joognay iyo markii aanu ka dareenay oo noqonaysa intii u dhexaysay 07:30-09:30 cawaysnimo, Wasiir Maxamed Kaahin iyo Dr Cali Khaliif Galaydh waxa ay wada fadhiyeen gudaha dhismaha, gebagebadana bannaanka ama albaabka ayay taagnaayeen.

    Kollay waxa laga wada hadlayay waxa aan u arkayay ambaqaadka heshiiskii ay Somaliland iyo Khaatumo wada gaadheen. Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland waxa ka mid ahaa furitaanka Dastuurka. Waxa ay ahayd in ugu yaraan dib loo eego qodobbada heshiiska: haddii ay maangal noqdaan iyo haddii ay noqon waayaan. Laakiin waxa muuqata in aan fulintiisa diyaar loo ahayn, waxaana taas marag u ah marka aad aragto Wasiir Saleebaan Cali Koore oo leh “looma baahna in la furo”. Maalinta uu Cali Khaliif Galaydh ka dhoofayo Hargeysa ee 6dii Feberweri 2017ka waxa laga joogaa laba sanno, laba bilood iyo dheeraad ama maalmo dhan 807 dharaarood.

    Sidee ayuu kuula muuqdaa murkacashada heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Khaatumo?

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker