Hadafkayagu Maaha inaanu qaadno Koobka . Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp

 

 

 

 

 

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in shidaalka ay kooxdiisu ku shaqayso aysan ahayn hiigsashada koob la qaado balse taas baddalkeeda ay tahay dhiirigalinta ay ka helaan taageerayaasha.

Kooxdan ku dheesha garoonka Anfield ayaan Horyaalka Ingiriiska ku guulaysan tan iyo sannadkii 1990kii, balse hoggaanka koobka ayay dib u qabteen ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Cardiff, waxay labo dhibcood ka sarreeyaan hadda kooxda Manchester City.

“Haddii waxa ku dhiirigalinaya uu noqdo koob qaad oo kali ah, markaas wax baa kaa khaldan ayuu yiri Klopp.

“Waxaan doonaynaa in aan ciyaaraha badinno, sababtoo ah safarka lagu jiro ayaan farxad kula qaadanaynaa taageerayaasha.”

Goolal ay qaybtii dambe ee ciyaarta kala dhaliyeen Georginio Wijnaldum iyo James Milner ayaa Liverpool u horseeday in ay guul ay u qalmeen ka soo hoyiyaan koonfurta Wales, waxayna hoosta ka xariiqeen rikoodh cusub.

 

Kooxda uu layliyo Klopp ayaa markii u horraysay Horyaalka Ingiriiska ka keentay 88 dhibcood, ka dib markii ay 2 iyo 0 kaga badisay Cardif.

Jurgen KloppLahaanshaha sawirkaEPA

Manchester City ayaase dib ugu laaban karta hoggaanka Horyaalka Ingiriiska haddii ay Arbacada ka badiso kooxda ay sida wayn u xifaaltamaan ee Manchester United.

Tusahan hoose kaga bogo xilli ciyaareedyadii ay ugu dhibco wanaagsanayd Liverpool ee koobka Horyaalka Ingiriiska

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker