Warbixin ku Saabsan Xaalada Caafimaadka gobolka Togdheer…

Xaalada caafimaadka gobolka togdheer oo duruufo badan so martay ayaa maanta waxay maraysa halki ugu wanaagsanayd, iyado ay hogaanka u hayaan caafimaadka gobolka dad khibrad iyo aqoonti lo baahnaa u saaxiib ah, taasina waxay keentay inu caafimaadki gobolku horumar wayn ku talaabsaday iyado ay noqotay markii kowaad ee wasaarada caafimaadku yeelato maamul daadajin, iyado wali la dardargeliyay waaxda wacyigelinta caafimaadka gobolka isla markaana sare lo qaaday talaaladi la bixin jiray taso fa’iido wayn u leh caruurta, hadaba  waxa loona baahanyahay in halkaa laga sii wado horumarka uu caafimaadka gobolku ku talaabsaday.

 

Waynu ogayn xaalada hospitalka burco sidii uu ahaan jiray hada ka hor iyo maanta halka uu marayo iyo horumarka balaadhan ee u ku talaabsaday haday tahay tayaynta adeegyada uu bixiyo, kor u qaadista bilicda hospitalka iyo waliba kordhinta aqoonta iyo xirfada shaqaalaha ka hawl gala hospitalka, arinkaana waxa amaanteeda leh hormuudka wasaarada caafimaadka iyo agaasimaha hospitalka burco.

 

Dhinaca kale waxaan la dafiri Karin mashruuca caafimaadka balaadhan ee ka socda gobolka iyado la hawlgeliyay ku dhawaad 30 xanaano iyo dhawr iyo labaatan health post oo ku kalayaala Gobolada Togdheer iyo Daad madheedh, waxa inta dheer labada hospital ee burco iyo oodwayne oo ka qayb qaadan doona daawaynta  hooyada iyo dhalaanka iyo qaliinad, taso ay u raacdo umbalace yo isaga gooshi doona deegamadaas.mashruucasi waxa uu si wayn uga qayb qaatay shaqo gelinta dhalinyarada iyado ay nasiib u yeesheen in ay ka hawlgalaan dhalinyaro badan oo jaamacadaha wadanka ka so qalin jabisay, waxa inta dheer bulshadii ku dhaqnayd deeganada miyiga Togdheer iyo Oodweyne waxay aad uga faa’iideysteen adeegyadi caafimaad ee mashruucasi bixinayay, hawshaana waxa amaanteeda iska leh Hormuudka wasaarada caafimaadka iyo isuduwaha caafimaadka gobolka Togdheer.

 

Gunti iyo gebogebadi, waxan so jeedinaya in aan cid walbaaba waxay doonto TV ga ka odhan ama aanay websites ka kuso qorin balse cidi qiimaynaysa ama wax ka qoraysa caafimaadka gobolka ay noqoto cid xogogaal u ah caafimaadka gobolka isla markaana ka fayow qabyaalad iyo shaqsi nacayb.

 

Dr. Shiine Hayaan
Burao Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker