Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika Oo Sheegay Inay Duqeyn Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Alshabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday gobolka Jubada hoose lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Alshabaab.

War kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday Jimcihii aynu kasoo gudubnay kana dhacday degmada Jamaame lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab.

Sidoo kale warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay Barbara socotay howlgal dhinaca kale dhulka ah oo ay fuliyeen ciidanka Dowlada Federaalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM isla markaana ay ciidankan ay saldhigyo ka sameysteen degmadaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker