Shiidaalka iyo Gaasta Itoobiya oo Qawaaniin Cusub Loo samaynayo

Addis-ababa(ODW)-Dawladda Itoobiya ayaa sameysatay Siyaasadda Shiidaalka,waxaanay qayb ka tahay qorshaha siyaasadeed ee Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed, siday baahisay New Business Ethiopia.

Kulan lagu qabtay Addisababa ayaa Jimcihii toddobaadkii hore ayaa waxa loo soo bandhigayUrurrada Bulshada, masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah, waxaana shirkaas laga sheegay in siyaasadda Shiidaalka Itoobiya loogu talogalay in lagaga dhaqmo dalkaas muddo 15 Sannadood ah.

Wasaaradda Khayraadka dabiiciga ah ee Itoobiya ayaa sheegtay in Xeerka siyaasadda Shiidaalka lagu dhammeystiri doono bilaha soo socda.

Xeerka Shiidaalka waxa uu jidaynayaa sida looga faa’iideynayo bulshada ku dhaqan deegaannada laga soo saarayo Shiidaalka iyo Gaaska. Waxa kaloo xeerku tafaasiil ka bixinayaa Shirkadaha ka shaqeynayn doona Arrimaha Shiidaalka iyo doorka ay ku yeelanayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker