Ma Taas Ayaan Ka Sugaynaa In Ay Man City Wax Ka Keento, Solskjaer Hadda Wuu Dhintay- Jamaahiirta Liverpool Oo Walaac Xun Ka Muujiyay Rajadii Man United Ee Kulanka Manchester Derby.

Inta badan way adag tahay in aad aragto taageere Liverpool ah oo rajaynaya in ay Man United guul gaadho, waxaana taas la mid ah jamaahiirta Man United laftooda oo ay adag tahay in aad aragto iyaga oo guul u rajaynaya Liverpool, laakiin waxaa jirta waqtiyo khaas ah oo ay dantu keento in taageerayaal kubbada cagta ahi ay hal maalin siiyaan kooxda ay cadowga isku yihiin iyaga oo ka dhex arkaya guul ay kooxdoodu gaadhi karto.

 

 

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa rajaynaya in Man United noqoto kooxdii dhibco ka jari lahayd Man City marka ay labada kooxood iskaga hor yimaadaan Arbacada kulanka Manchester Derby oo ka dhici doona Old Trafford, laakiin ceebtii United ka soo gaadhay Everton ayaa walaac ku sii abuurtay jamaahiirta Reds.

Taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay dareenkooda ku aadan in ayna hadda rajo badan ka qabin in Man United ay dhibco ka heli karto kulanka Man City maadaama oo ay ceeb kala soo laabteen Everton isla markaana ay xaalad xun ku soo jireen.

Liverpool ayaa wali u baahan koox Man City dhibco ka goysa si ay koobka Premier league ugu guulaysato Reds waxaana ugu wayn kulanka Man United laakiin hadda waxay jamaahiirta Reds u muuqdaan in ay ka fikiri karaan kulamada Burnley iyo Leicester City oo ay kaga kalsooni badnaan karaan United.

Haddaba qaar ka mid ah taageerayaashii Liverpool ee ka falceliyay kulankii Everton ay xasuuqa u gaysatay Man United ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa inkasta oo ayna suurtogal ahayn in la soo wada koobi karo.

taageere Liverpool ah ayaa soo qoray: “Jamaahiirta Liverpool oo aan anigu ku jiraa waxay rajaynayeen in Man United ay todobaadka soo socda la tacaalayso Man city, waligeed ma dhici doonto”.

Taageere kale oo Liverpool ah ayaa isna soo qoray: ” Waxaan dareensanahay nooc kasta oo qalad ah in aan ka niyadjabsanahay dubayntii Manchester United, laakiin u hadlida taageerayaasha Liverpool waxaanu rajaynaynay  in ay asxaan noo samaynkaraan, sababtoo ah Man City ayaa dhibco luminaysa”.

Taageere kale oo Liverpool ah ayaa isna soo qoray: “Bandhiga taas ku salaysan, waxay hadda u muuqataa mid aan dhacayn (in United ay qabto City). Solskjaer si fiican ayaa loo sameeyay si dhab ah ayuuna hadda u dhintay”.

Taageere kale oo Liverpool ah oo u adkaysan kari waayay xaasuuqii Everton ku samasyay kooxdii uu rajada ka qabay ee Man United ayaa yidhi: “Waa marka aad saddex maalmood gudahood aad kooxdan Man United ugu tiirsan tahay in ay Man City garaacdo”.

Fariimo badan iyo falcelin aad u saraysa ayay jamaahiirta Liverpool ka sameeyeen bandhigii musiibada ahaa ee ay Man United kala soo muuqatay Everton waxayna hadda ka walwalsan yihiin in Man United ay awood u yeelan karto in ay xataa barbaro ku qaban karto Man City.

Laakiin wali jamaahiirta Liverpool ayaa rajaynaya in ay Man United isa soo adkayn doonto kulanka Manchester Derby iyaga oo laba sababood u aanaynaya. Marka kowaad waxay aaminsan yihiin in Man United ay isku dayi doonto in ay iska reebto ceebtii iyo waji gabixii kulankii Everton iyo arinta labaad oo ah sidii ay kaalinmaha sare ugu dagaalami lahaayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker