Lacagaha Foojariga Ah Oo Ku Soo Badanaya Somaliland Iyo Saamaynta Ganacsiga Ee Yeelan Karaan

Hargeysa(OWN)- Lacag foojari ah oo dollar ah oo markii saddexaad lagu qabtay Somaliland, isla markaana qofkii sitay lacagtaasi ayaa lagu xukumay xadhig ciqaabeed sanado ah iyo gannaax lacageed.

 

Lacagtan faalsada ah oo 11-kii bishan ay ciidanka tulbataariyada Degmada Wajaale ku soo qabteen hal qof oo sitay oo kala yimid dalkaasi Itoobiya ayaa cadadkeedu wuxuu dhamaa $5,900.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada ahna Garsoore ku shaqeeya heer Gobol Maxamed Cumar Dhimbiil, ayaa ugu horreyn ka warramay xukunka lagu riday eedeysanaha lagu qabtay lacagtan foojariga ah iyo asbaabta maxkamaddu u cuskatay waxaanu yidhi, “Maxkamadda Gobol Degmo Gabiley waaxdeeda Wajaale waxay xukun ciqaabeed ku riday eedeysane ku eedeysnaa lacag faalso ah oo dollar ah, waxaana indhaweyd Degmada Wajaale ku soo badanaya lacagta Foojariga ah”. Guddoomiyuhu waxa uu intaasi uu ku daray, “Eedeysanihii wuxuu qirtay inuu sitay lacagtan foojariga ah oo looga soo dhiibay xagga dalka Itoobiya, qiraalkaasi kadib waxa uu sheegay inuu doonayo inuu ka sarrifto gudaha magaalada Wajaale”.

Guddoomiye Dhimbiil waxa kale oo uu ka warramay xukunka eedeysanahaasi, “Eedeysanaha markii dambiga lagu helay waxa lagu xukumay sida uu dhigayo qodobka 348 ee xeerka ciqaabta guud, xadhig ciqaabeed afar sano ah iyo gannaax lacageed oo ah shan milyan oo shillinka Somaliland ah”.

 

Intaasi kadibna, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Gabiley waxa uu tilmaamay heerka lacagta foojariga ah iyo saameynta ay gobolkaasi ku leedahay, “Dhacdadani waxay noqonaysaa tii saddexaad tan iyo intii aan xilka guddoomiyenimo ee maxkamadan aan la wareegay, markaa waxay noqonaysaa inay arrintani soo kordhayso oo bishiiba hal kiis ama laba ay soo galayaan maxkamadda”.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadu Maxamed Cumar Dhimbiil waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey noocyada lacagaha foojariga ah, “Dhacdooyinkii hore waxay ahaayeen lacagaha foojariga ah lacagta dalka Itoobiya ee Birta loo yaqaano, balse hadda waxaad moodaa inay xadkeedii soo dhaaftay oo ay tahay lacagta foojariga ah ee dollar-ka”.

 

Intaasi kadibna, Guddoomiyuhu wuxuu farriin digniin ah u diray Gacastada Degmada Wajaale, “Ganacsatada Wajaale waxaanu ku wargelinaynaa inay aad iskaga eegaan ama qalabka lagu eego lacagta inay dhigtaan meheradahooda”.

Dhinaca kalena, Xeer ilaaliyaha Degmada Wajaale Yaxye Aw Aadan, ayaa isaguna u mahad naqay ciidanka Tulbataariyada ee degmada Wajaale, “Eedeysanahan waxa gacanta ku soo dhigay ciidanka ilaalada cashuuraha ee Kastamka Degmada Wajaale, sidaasi awgeed ayaanu ugu mahadnaqaynaa Taliyaha Ciidanka Ilaalada Cashuuraha, Madaxa Jeekinka”.

 

Ugu dambeyntiina, Taliyaha Ciidanka ilaalada cashuuraha Degmada Wajaale Baashe Jaamac ayaa isaguna tilmaamay hawlgalkii ay ku soo qabteen lacagtan foojariga ah, “Waxaanu gacanta ku soo dhignay lacag foojari ah iyo qofkii sitay 11kii bishan afraad, marka ciidan ahaan kama shaqeyno oo keliya ilaalinta cashuuraha oo keliya ee waxaanu ka shaqeynaa dambiyada kale sida khamriga, xashiishada, lacagta foojariga ah”.

 

Degmada Wajaale oo ah magaalo ganacsi oo aad u weyn oo isku xidha ganacsiga dalalka Itoobiya iyo Somaliland ayaa had iyo jeer lagu qabtaa agabyo sharci darro ah oo ka soo gudbaya dalkaasi Itoobiya una soo gudbaya dalkani Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker