Ciidamada Kenya oo dib u helay lacag kaga maqneyd howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya

Muqdisho (OWN)-Ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa dib u helay lacago badan oo ka maqnaa, kadib muddo sanad ku dhow.

Kenya ayaa cabashooyin badan u gudbisay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub kadib markii ciidamadooda kaga sugan Soomaaliya muddo sanad ah aysan helin mushaaraadkooda.

Ku dhawaad 3.7 milyan oo Shilinka Kenya ah ayay heleen ciidamada dowladda Kenya, lacagtaasi oo ka maqneyd tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, waxaana lacagtaasi lagu wareejiyay madaxda dowladda Kenya.

Lacagta hadda lagu wareejiyay Kenya ayaa la sheegay inay aheyd lacagta ka maqneyd ciidamada 7 Bilood, sida saraakiisha ciidamada dowladda Kenya ay sheegeen.

Kenya ayaa marar badan walaac ka muujisay dhaqaalaha ka maqnaa ciidamadooda iyo dhaqaalo xumada ciidamada Kenya ku heysta dalka Soomaaliya, waxaana ay cabashadooda u gudbiyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Midowga Europe ayaa bixiya Lacagata ugu badan ee uu ku shaqeeyo Howlgalka AMISOM, QM ayaa sidoo kale qayb mug leh ka bixisa qaaraanka AMISOM ay uga howlgasho Soomaaliya.

Ciidanka Midowga Africa ee Soomaaliya oo dalka muddo ka badan 10 sano ayaa hela dhaqaale ka badan mida ku baxa Ciidanka Soomaaliya. Qubaradda Amniguna waxay dhiiri galiyaan in Ciidanka Soomaaliya lagu bixiyo Qarashka Howlgalka si ay awood ugu yeeshaan in ay dalka amnigiisa gacanta ku dhigaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker