” Saxaafaddau Yaanay Tegin Madaarka, Hadii Aanuu Madaxweyne Muuse Biixi Ka Waramayn Socdaalkiisa … “

Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”  oo ka mid ahaa masuuliyiintii Xukuumadii Axmed Siilaanyo    ayaa barta uu ku leeyahay Facebook-a waxa uu maanta kaga hadlayay arimo la xidhiidha safarka madaxweyne Muuse Biixi kaga soo laabanayo isutagga Imaraadka iyo saxaafadda Somaliland oo si weyn u sugaysa ,  halkan Hoose ka akhriso qoraalkiisa oo dhan

 

“Saxaafadeenu maaha Boos.

 

Saxaafadu yaanay madaarka tegin , hadaanay madaxtooyada isla garan in madaxweynuhu qabanaayo shirjaraa’id oo uu kaga waramaayo socdaalkiisa oo uu ummaddiisana ugaga waramaayo wixii uu la soo kulmay.
Waa nasiibdaro in warbaahinteenu ay u ekaato boos hadba qofkastaa marka uu doono uu warqada bushqada ku jirta marsado oo aayar u qaada.

 

Waxa aay suxufiyyintu masuul ka yihiin fulinta qodobka xuquuqiga ah ee distooriga ah ee ah “xaqa war helineed “.
Sababta Salaadaha Jimce ummaddu u tukataa waxaa ka mid ah in bulshada looga waramo wixii todobaadka war ah ee jiray ee dadka ku soo kordhay, arrintaana waxa qaatay gaalada aynu ku dayano ee Maraykanka iyo UK ay ka kawga yihiin, iyadoo madaxweynaha Maraykanku uu khamiis kasta shacabkiisa kala hadlo warbaahinta,sidoo kale waxa Arbaca walba uu Raysalwasaaraha UK ka qayb galaa kulanka Baarlamaanka,halkaasi oo su’aalo lagaga dhergo, iyana ay ku soo bandhigaan hadba mawduuca ama mooshinka ay wataan ee taagan. 


Nasiib daro ka weyn ma jirto in madaxweynaheenu inta uu soo dego aayar uu gurigiisa iska tago oonu shacabka xog ka siin masuuliyadii ay u dhiibteen, waxaynu ognahay in Madaxweyne Siilaanyo marka uu soo noqdo inta badan uu dadka u waramaayay, iyadoo weliba dadka intiisa badan ay ku xamanaayeen da’, mana dhicin Daahir Rayaale iyo Marxuum Ina Cigaal oo inta ay safar ka soo noqdeen iska hoyda, iyagoo aan ummaddooda u waramin.


Si kastaba xaalku ha noqdee oo odaygu wixii Siilaanyo rag u saadaalinayeen ee ay ku xajiimaynayeen oo Maanta Muuse barbar taagan ha ku dhaceenee waxaan saxaafada ka doonayaa inay ummadda uga keenaan madaxweynaha jawaabo ay ka midka yihiin, kuwan:-

 

1. Waxa socdaalkiisu daaraa iyo cida casuuntay.
2. Waxa u soo qabsoomay.
3. Kulanka uu la yeeshay horjoogaha maamul goboleedka Puntland.
4. Haday kulmeen maxay ka wada hadleen oo ay isla qaateen.
5. Xanta muranada dhulka ee lagu eedaynaayo, gaar ahaan kan hadda uu madaxtooyada ka dhisaayo iyo kii Cismaan Dacas.
6. Sababta uu dhaqaalaha ummadda wakhtigan adag u gelinaayo dhisme.
7. Haddiiba uu ka marmaarmi waayay oo cidi ka caawinayso waxa uu u xushay deegaanka uu ka soo jeedo ee uu taariikhdaa u qaatay.
8. Cida leh fikirka in uu madaxtooyada la raro iyo sababaha keenay. ”

 

Gudoomihii Hore eGobolka Maroodi-jeex

Mustafe Cabdi Ciise “Shiine

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker