Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Siyaasi Indheergarad ah (Qaybtii 68aad) Qore : Maxamed Xoosh

Wadooyinka badan ee looga baxo Dib udhaca waxaa ka mid Laba sifo oo hadii laga hello dal kasta horumar uu gaadhi karo

Siyaasi caqlibadan oo Indheergarad ah :

Dalalka Dawladaha dib u dhacay waxaa horumariya ama dib u rida waa Hogaan fogaan-arag ah oo ay ka go,antahay in uu kala talaabsado dalkaa uu hogaaminaayo JAHLIGA iyo Baahida iyo Kala danbayn la,aanta ka jirta, Waa sidan sifooyinka Hogaamiyaha loo baahan yahay

1-Aqoon badan u leh nolosha waxbadan ka akhriyay qaybaha nolosha oo dhan “Joogtana u daalacda wixii cusub” ugu yaraan dhawr kun oo buug

2- Aqoon dheeraad ah u leh DIINTA Islaamka ah Uga aqoon roon Wadaadada ama la aqoon ah

3-Dhaqanka iyo Suugaanta dadkaasi leeyahay waxbadan ka yaqaan

4- Wax badan ka og Cudurada Bulshada ka dhex dhasha “Sociologists”

5-Waa inuu noqdaa guurti iyo Oday dhaqameed ah

6-Waa inuu hantiile yahay ama ka soo jeedaa qoys hanti la,aan jiray “Ina Cigaal”

7-Waa inuu Hibo u leeyahay talada iyo weliba Sida dadka loogu taliyo

8-Hadii laga helo ,Daacadnimo, Deeqsinimo,Balan Oofin, Naxariis, Dad ururin, Dad Aqoon …… Waa sifooyin fiican oo hogaamiyaha u wanaagsan Hadiise la waayo dhibaato ma jirto sifooyinkaa kaligood dal laguma taliyo

Sifada labaad ee dal ku horumarkaraa ama dhibta kaga bixi karaa waa

Shacab Wacyi Siyaasi ah leh “Garaad Siyaasi ah”

Waxa si fiican u tilmaamay shacabka garaadkiisu hooseeyo Abwaan Hadraawi

“INTUU MAANKU GAAJEYSAN YAHAY GUULI WAA WELI”

Tusaale waxa inoo ah Maalmaha Doorashada ayaad dareemaysaa bulshada garaadkeeda siyaasiga ah halka uu gaadhsiisan yahay iyo waxa uu Musharax hebel ugu codaynaayo su,aasha wuu I XIGAA.

Bilaahi Tawfiiq

 

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker