Tafaftiraha Laanta Afka Somaliga ee BBC-da Bariga Africa Mss Marry Harper oo ka cabanaysa Wicitaanada iyo Fariimaha uga imanaya Ururka Alshabaab

London (OWN) – Tifaftiraha BBC-da qaybteeda Afrika Mary Harper ayaa sheegtay in marka ay Al Shabaab wacaan ama farriin ugu diraan Emailkeeda ay qarracanto.

Mary oo maqaal dheer ka qortay wicitaannada AL-Shabaab marka ay weerarrada gaystaan ayaa sheegtay in xilliyada ay weerarrada ka wadaan Hoteellada ay soo wacaan una sheegaan in ay dil badan wadaan, kuwa Hotelka ku jirana ay si fiican u leynayaan dadka deggan Hotelka.

Mary ayaa sheegtay in ay qarka u saaran tahay luminta saaxiibadeeda Soomaalida ah, maaddaama wicitaannada Soomaaliya oo dhan ay u heysato in ay yihiin Al Shabaab.

Sababta ugu badan ee ay Al-Shabaab u wacayaan ayey ku sheegtay in ay tahay in ay sheegtaan mas’uuliyadda weerar xilligaas socda ama dhamaaday.

 

Waxaa ay sheegtay in maalinkii ay wacaan 17 illaa 15 jeer, marka ay ka qaban weysana ay Inbox-ka Emailkeeda, ay ugu diraan farriimo, waxaana ay ka muujisay walaac badan.

Mary ayaa sheegtay in marka ay gaari waddo, ama ay waqti la qaadaneyso qoyskeeda ama ay shaqo ku jirto ay ku adag tahay in ay taleefan ka jawaabto, sidaas darteedna marka ay fursad hesho ku aragto wicitaanno badan oo Soomaaliya ah.

Walwalka ugu weyn ee ay qabto ayaa waxaa ka mid ah in wicitaannadaas aysan ku celin karin xittaa haddii uu yahay qof muhiim u ah, sababta oo ah waxaa ay u heysataa in ay yihiin Al-shabaab.

Mary ayaa sheegtay in dhawr jeer ay la kulantay hanjabaadyo dil ah laakiin ma ahayn Al-Shabaab sida ay sheegtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker