Xubno Golaha Guurtida Somaliland ah Oo Ceerigaabol Meel ay Ku hoydaan Kawaayey Walaac iyo Cabsi Aan Meesha Oollin-na Kamuujiyey Xasilloonida magaalada

Xubno Golaha Guurtida Somaliland ah oo sida la sheegay loosoo igmay xog-ogaal u noqoshada xaaladaha kajira gobolka Sanaag ayaa iyagoo maalintii Arbacada 17/04/2019 gaadhey waxay muddo saacado ah ku dhex wareegayeen magaalada Ceerigaabo kaddib markii ay ku hiili waayeen halkii ama goobtii ay ka degi lahaayeen magaalada, waxayna xubnahani soo koobeen intooda badan goobaha hurdada eek u yaalla magaalada Ceerigaabo, kuwaasoo ay intooda badan ka muujinayeen walaac dhinaca amniga iyo siyaasadda ah halka qaarkoodna ay kala lexejecloonayeen lacagta ay ku seexanayaan.

 

Waar Xaggaynu galnaa??  “Guest House-kaa inna geeya”  “Waar waa gurigii Nuux-taani lagu weeraraye naga daaya”  “Waar Guri martida inna geeya”   “Waar Halkaas Ina Xaaji Nuur ugu tegi mayno”

 

Hadalladaas iyo qaar kaleba waxay ahaayeen kuwii afkooda kasoo burqanayey xildhibaannadan golaha Guurtida Somaliland katirsan muddadii ay Haad geed waayey ku ahaayeen gudaha magaalada Ceerigaabo.

 

Dhinaca kalena waxa isweydiin mudan xildhibaannadan ka werwersan amnigooda iyagoo gudaha Ceerigaabo kusugan sidee ayay xaaladaha kajira guud ahaan gobolka Sanaag xog dhab ah uga keeni karaan ama u gaadhi karaan cidhifyada bariga iyo koonfurta ee gobolan Sanaag iyo weliba goobaha kale ee khilaaf-beeleedyada iwm ka jiraan.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker